February 23, 2020

Dhalinyaro Soomaali ah Oo lagu xiray Magaalda Nairobi.


Ciidamada amaanka dalka kenya ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi waxaana ay Ku soo  qabteen dad badan oo somali  ah.


Dadkan oo tiradoodu gaareyso dhu dhawaad 43 qof, waxaa Ku jira 38 Ardey oo kuwaas wax ka barta dalka Kenya.

Hay’adda dambi baarista Waddanka Kenya ayaa sheegtay dadkaasi looga shakiyay in ay qaadanayeen tababar la xiriira waxa loogu yeero argagixisanimada.

Booliska Kenya ma sheegin waxa ay ahaayeen dadka kale ee howlgalka lagu qabqabtay,oo ay haatan baaritaan ka hayaan.


Ciidanka amaanka Kenya ayaa mudooyinkaan dambe kor u qaaday howlgada amaanka la xariira ka dib weerar lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Maraykanka iyo Kenya ku leeyihiin Gobolka Xeebta ah Lamu halkaas oo ay Al shabaab ku dileen 3 Ameerikaan ah.

Xaafadda Islii ayaa waxaa Ku badan Soomaalida Ku nool dalka Kenya gaar ahaanna Magaalada Nairobi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*