April 5, 2020

Deegaan Ka Tirsan Degmada Cadaado Oo ay la Wareegeen Al-shabaab


Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ay la wareegeen deegaan hoos-tagga Degmada Cadaado.


Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cadakibir, oo qiyaastii 70km u jira Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyada Al Shabaab oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay deegaankaasi, xilli aanay horey ugu sugnayn ciidan ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in al Shabaab ay la wareegeen deegaanka Cadakibir, ay ka taggeen Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Saraakiil  al Shabaabka ka tirsan oo fagaare ku yaala deegaankaasi kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan ururka, isla-markaana ay ka fogaadaan la shaqaynta Maamulka Galmudug. Sidoo kalena ayna u soo cadaalad doontaan Maxkamadaha Al Shabaab.


Ma cadda ujeedada Al Shabaab ay u yimaadeen deegaankaasi iyo inay dib uga laabanayaan iyo in kale.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*