April 5, 2020

Maxaa Ka Jiro In Wakiilada beesha caalamka ay iska diideeyn ka qeyb galka caleema saarka Qoor Qoor?


Wararka ayaa sheegaya inShirar isdaba joog ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ayaa lagu go’aansaday in aanay ka qeyb galin caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ee  Dowlad Goboleedka Galmudug Waxaana ay Sabab uga Dhigeen in aysan Ka dhicin Doorasho Lagu qanacsan Yahay Waxaana ay Sheegeen in ay  u kala Qeeybsantay seddex Qeeybood  iyadoo ay magaalada Dhuuso mareeb ku sugan yihiin laba Madaxweyne halka Magaalada Gaalkacyo uu Ku Sigan Yahay Madaxweeyne Xaaf.

Arrintan oo jahwareer ku riday saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya aya waxa ay keentay in ay ka qaateen go’aan mideysan in aanan midna la taageerin.


Sidoo kale Wararka ayaa Sheegaya in Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto uu ku guul dareystay in uu ku qanciyo wakiilada in ay taageeraan Galmudug isla markaana ka qeyb galaan caleema saarka..


Dhanka Kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka biyo diiday in  magaalada Dhuusomareeb xoog iyo dagaal kula wareegaan taliska AMISOM, ayadoo Xoog Looga Saarayo  kooxda Ahlu Sunna  aan ku qanacsaneyn maamulka cusub ee Qoor Qoor.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka ah ayaa lagu eedeeynayaa in  qaab musuqmaasuq ah xilka Madaxweyne ee Galmudug ku taageertay  Doorashadii Qoor Qoor ,iyadoo ay diideen musharaxiintii kale kadib markii ay u adkeysan waayeen musuqa iyo faragelinta dowladda Federaalka ah.
Kooxda Ahlu Sunna ayaa inta badan ka talisa magaalada Dhuusa Mareeb balse M/Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre ayaa qorsheynaya in dagaal looga saaro kooxda Ahlusunna magaalada ka hor inta aan la qaban caleema saarka Qoor Qoor.

Dhinaca Kale  Maamulka Ahlu Sunna ayaa dhankeeda wacad ku martay in aay dagaal diyaar u tahay isla markaana ay ka saari doonto ciidanka dowladda oo ay ku eedeeysay in aay magaalada keeneen kooxda Shabaab, kuwaaso qarax ka fuliyay gudaha magaalada usbuucii hore.

Madaxweyne  (Qoor Qoor) ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Ciidamada kala duwan ee Maamulka Galmudug, waxaana safarkiisa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas.Madaxweyne Qoor Qoor ayaa booqashadiisa ka bilaabay Xarunta Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 21-aad, wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaasha ciidamada.
Madaxweynaha ayaa Taliyaasha iyo ciidamadii ku sugnaa Xarunta 21-aad ku amray inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Dowladda Goboleedka Galmudug 

“Cidna kama yeelayno in ay amniga Galmudug Caqabad ku noqoto , ciidamadu waxaan u diyaarineynaa ilaalinta amniga iyo xoreynta deegaanada maqan ,waxaana ku amrayaa in cida ka Hortimaada ay awood Ku Muquuniyaan,”waa sida uu Hadalka u Dhigay, 

Si kastaba Ha ahaatee Dowlad Gobaleedka Galmudug Waxaa Hareeyay Khilaaf Xoogan Waxaana Iska garab dhismay ilaa 3 Madaxweyne. Inkastoo uu Horay u jiray Madaxweeyne Baasto.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*