April 5, 2020

Somaliland oo Qoraal ay ku diideyso safarka Farmaajo u dirtey Abiy Axmed


Soomaaliland ayaa qoraal waxaa ay u dirtey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed taas oo ku aadan in marnba aysan suuragal aheyn in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.


Qoraalka loo direy Abiy Axmed oo ay heshay Warbaahinta ayaa lagu wargeliyey Abiy Axmed in Soomaaliland marnaba diyaar u aheyn in ay Hargeyso kusoo dhaweyso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Sidoo kale Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in isla Maanta Soomaaliland ay warqadaasi gaarsiisey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya,in kastoo weli aysan kasoo jawaabin.

Dhinaca kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in todobaadkaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu Golaha Wakiilada horgeyn doono qodobka ku saabsan in Farmaajo Tago Hargeysa,sidoo kale uu faah faahin ka siin doono kulankii uu Addis Ababa kula qaatay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalkaan diidamadaha ah ee Soomaaliland u dirtey Itoobiya ayaa kusoo aadaya Saacada uun markii Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha itobiya uu ku cadaadinayo in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*