April 3, 2020

Dhismahii Iskuulka Degmada Ceelbaraf Oo Si Rasmi ah u Bilaabatay


Jaaliyada Ka Soo jeeda degmada Ceelbaraf  ee ka Tirsan G/SH/DHEXE  ayaa  shaqo Dhismo ah ka bilaabay Guddaha Degmada Ceelbaraf , dhismooyinka  cusub ayaa  ah Iskuul Waxbarasho Oo  ay yeelaneeyso Degmada Ceelbaraf,

Waxaana Si Rasmi ah u dhagax dhigay Dhamaan Wax garadkii Ku Sugnaa Degmada Ceelbaraf Iyo Mas,uuliyiin ka Yimid Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mas,uliyiintii Ku Sugneed Goobta ayaa Yiri  “Maanta   4 /3/2020 Waxaan dhagax dhignay school-ka degmada Ceelbaraf Waxaana Rabnaa in ay ka faaideeystaan Bulshada Deegaanka iyo Degaanada Ku Dhaw dhaw. 

Dhismahaasi Waxaa aad u soo dhaweeyay Bulshada Ku Nool Gudaha iyo Dibeda Waxaana ay Ku Tilmaameen Guul u soo Hooyatay Shacabka Ku Nool Degmada Ceelbaraf.

Mid ka Mid ah Wax garadka ayaa Sheegay in  Wax ka qabanayo Dhinaca Horumarka  asigoo Tilmaamay in Degmadani ay Tahay Meel Ku Wanaagsam Dhinaca Wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha,


Ugu Danbeeyntii Waxa ay Baaq u direen shacabka Ka soo jeeda Degmada Ceelbaraf   Sida Qurbojoogta Ganacsatada ,Dhalinyarada ,Haweeynka Culimada diinta, Wax Gradka .Siyaasiyiinta, in ay Wax ka dhisaan Degaanadooda ayna Hormariyaan , Bulshada 

Image may contain: one or more people, tree, shoes, outdoor and nature


Image may contain: one or more people, tree, outdoor and nature

Image may contain: 1 person, standing, walking, sky, outdoor and nature

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*