July 2, 2020

Maxaa Ka Jiro In Xidiga Babacar Sarr 29-sano-jirka ah Lagu Soo Ogay Dacwad?


Xidiga Babacar Sarr waa 29-sano-jir cayaartoy ah oo kooxo waaweyn oo dunida ka dhisan usoo saftay, waxaana ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida ee lacagaha ugu badan qaata.


Sidoo kale waa eedeysane, dalka Norway ayaa looga haystaa eedeymo kufsi ah, waxaana loo jaray warqad caalami ah oo lagu soo xirayo.


Wuxuu hadda ku jiraa dhuumaaleysi wuxuuna ka mirqay saaxadda cayaaraha.Sarr waa weerar yahan u dhashay dalka Senegal, kaas oo sumcadda xirfaddiisa ay ku dhisantay dalka Norway, kahor inta uusan u safan kooxo waaweyn oo ka dhisan Ruushka iyo Sacuudiga.

Xiddig ayuu ka ahaa Molde, oo ah naadi weyn oo ka dhisan Norway kaasoo uu ku biiray sanadkii 2016. Labo sano ayuu naadigaasi u dheelayay xilligii uu maamulaha ka ahaa Ole Gunnar Solskjaer – oo haatan ah maamulaha Manchester United.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*