April 4, 2020

Amina Mussa Wehliye”Waxbixinno is Khilaafsan Ayaa ka Soo Baxaya Xaaladda Walaasheey Fowsiya Faarax Wehliye Cadoow”


 Wariyaha Canka ah ee Amina Mussa Wehliye  ayaa  Warbixin ay Barteeda Facebook Ku Soo Dabacday ayay Ku Sheegtay in La weeysan yahay Gabar walasheed ah  Oo Magaceeda La Yiraahdo , Fawsiya Faarax Weheliye  Cadow, Sendiko, Sida ay sheegtay Waxa ay Tiri “


“Walasheey Fowsiya Faarax Waxa ay sii maqan tahay  in muddo ah, waxa ayna fariintii ugu dambeysay ku soo qortay facebook 27-kii Febraayo ee sanadkaan 2020-ka, saacadda Muqdisho markeey ahayd 9:06PM (fiidnimo).
Qoraalkii ugu dambeeyey oo ay walaasheey xilligaas soo qortay ayuu ahaa  Cinwaankeeda Facebook waa sidan”Iman Addo”

Dhanka Kale Amina Mussa Wehliya ayaa Ku Jirta Dadaal Badan Sidii Warbixin looga Heli lahaa Xaalada Walasheed Fowsiya Wehliye Cadow Waxaana ay Tiri Sidaan.

Kala hadal badan iyo waxbixinno is khilaafsan ayaa ka soo baxaaya xaaladda walaasheey Fawsiya Faarax Weheliye Cadoow, oo mar qur ah la waayey, meel eey jaan iyo cirib dhigtay.
Waxaa socda dadaal badan oo lagu baadigoobaayo Fawsiya Faarax Sindico, wixii war ah oo kooban ayaan ka warrami doonaa galabta anigoon misna kashifeynin howlaha Sirdoonka ee la wado iyo dadaallada is dhinac socda oo la wado, oo haddii xog badan laga bixiyo, xagal-daacin kara helista iyadoo nabad qabta walaasheey Fowsiya Faarax Sindiko AKA Iman addo.
Waxaan si naxariis leh uga codsanayaa dhammaan walaalaha Dhiig, dhurruq, dhalyo iyo dheeh-aqoonku naga dhaxeeyo, haddaanu nahay reer Weheliye Cadoow Jinaqoow, in eey is dajiyaan, ducada nagu soo kaalmeeyaan, indhahooda iyo dhegahoodana furaan, kana war haayaan xaaladda walaasheen.

Walaasheey Fawsiya Faarax Weheliye Sindiko, waxeey ku nooleyd cabsi in muddo ah.
Cabsidaas oo sideey ii sheegtay kaga imaaneysay saddex dhinac oo kala duwan.


Si kastaba Ha ahaate Maalmaahan Waxaa Soo if baxay warar shegaya in loo isticmaalo dadka ka aragtida duwan dowlada federalka somaliya in lagu sameeyo Handadad iyo Cabsi galin In kasto Mararka Qaar Loo Geeysto Dil Barer ah  Waana arinta ugu Hadal heeynta Badan ee Ka Jirta Muqdisho,Waxaana la dhihi karaa waa Nidaamkii Kaligii Taliska ahaa Oo Doonaya in uu dib u soo laabto.Balse shacabka somaliyeed ayaa ah kuwa ka hortagaya Ficilada Xun Xun ee Kaligii Taliska ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*