July 2, 2020

SHEEKO :Aabbihii Ambaday Q1AAD!


Waa goor habeennimo ah oo goortu sheegto caga caganayso kowdii iyo badhkii(1:30)  waxaa jidka maraya dad iyo baabuur teelteel ah, intooda badana hoyaatin u ah guryahoodi iyo baraday saaka ka yimaadeen.

Waxaa mar qudha la arkay nin odaya oo madoow diif iyo darxuma badanna ka muuqato oo BARA LAAWE ah, gacantana ku sita dhalo HABAAJIYE(Khamri) ku jiro ninka ayaa hadba dhan u luudayey, iyada oo ay muuqato in uu dhabaandhawsan yahay oo wareer ba’ani hayo, haddana qof weliba si digtooni leh ayuu uga weecanayey marka uu dhankiisa u soo diido una soo liico, iyadoo sidaa xaalkiisu yahay ayuu mar qudh intuu iska daba wareegay si baraad la’aan ah ugu ciiray goob ganacsi garabka midig ka xigay dhankiisa waxa uunna madaxa la helay dhismaha dhaleedka    goobtii ganacsi  ee uu dhinac marayey, kaddibna intuu dib u soo maandoobay oo majarihii ka lumay ayuu waddada dhankeedii jirjircad ugu dhacay, dhaladii uu gacanta ku hayeynaa dhanka kale ayay u faniintay.

Dadkii goobta marayey ee sida wax u dhaceen maraga iyo goob jooga ka ahaa waa wada argagaxeen waxa ayna u qaybsameen qolo doc uga baydha, qolo istaagta oo ka dhursugta sida uu noqdo iyo qolo dhankiisa soo aada si ay ugu gargaaraan.

Waxaa durtaba ugu soo hormaray wiil iyo gabadh dhallinyaro ah, wiilka ayaa intuu u dhawaadey eegay inuu neefsanayo, si digtooni leh ayuu isaga oo aan taaban korkiisa laba farood ku beegay sankiisa, kaddibna wuxuu si xanshashaq leh ugu sheegay gabadhii oo iyaduna ku soo foorartay, isagoo u sheegay inuu miyir daboolmay balse uu noolyahay oo neefsanayo,  kaddibna gabadhii ayaa waxa ay markiiba  kolaygeeda kala soo baxday Alan gacmeed(Moobiil) waxa ayna wacday qolyaha gargaarka degdega ah iyo ciidanka nabadgelyada.

Qaabkan waa qaab loo carbiyey bulsho deegaanka lagu barbaariyey, in arrin kasta lala socodsiiyo ciidanka nabadgelyada, waayo waa kuwo aan looga maarmin maareynta iyo ilaalinta bulshada, sidoo kale goob jooga walbaa waa u diyaar inuu ka warbixiyo waxii agtiisa ka dhacay isaga oo aan haba yaraatee, wax dhaqaale iyo magac ah ku doonayn, waa gudasho xileed saran qof walba oo dalka u dhashay.


Dhanka kale ciidanka nabadgelyada ayaa ah kuwo heegan ugu jira inay u gurmadaan cid walba oo garab uga baahan, ma jiro soo daahin, hagrasho iyo hawlyareysi marka ay noqoto adeega bulshada.

Ammin dheer kama soo wareegin, goobtii ayay markii ay soo gaadheen qoladii gargaarka degdega ahayd iyo gurmadkii ciidanka nabadgelayada si wadajir ah iyagoo ay si xawaare dheeri ah ku soo mareen waddooyinka sida u dhaqanka ahna ay shiteen Ileyska iyo dawanka dhiillada. Dawanka dhiillada gargaarka degdega ah iyo gurmadka ciidanka nabadgelyada ayaa ah mid si weyn loo tixgeliyo, xeer ahaana, waa in waddada loo banneeya gaadiidka oodhamina siiyaan mudnaanta koowaad isaga mar walba, tani waxa ay 0fududeysaa in gurmadka iyo gargaarkuba dhaqso ku taagaan goobtii looga baahnaa.

Markii ay soo gaadheen goobtii ayey durtadiiba loogu dhaqaaqay hubin inuu noolyahay, markii la ogaaday inuu noolyahay ayaa waxaa  loo dhigay qaab wanaagsan, waxaanna lagu qabtay  qalabka hawo siinta, si looga kaalmeeyo inuu helo hawo ku filan,  ciidankii nabadgelyada mid ka mid ah ayaa intuu gacma gashi bac ka samaysan gashaday(Gloves) baadhitaan ugu dhaqaaqay jeebabkiisa, hadba wuxuu qashin xun iyo sigaar soo guraba, waxaa uu helay, aqoonsi muuqiisa iyo magaciisu ku qoran yahay arrintani waa mid lama huraan ah in la ogaado qofkaasi  halka uu ka soo jeedo, halka uu degan yahay iyo  jid sooca hoyaadkiisa, si hadhoow haddii wax dhacaan loo helo qaab lagula xidhiidhi karo dadkiisa iyo xigaalkiisa markay qorqorteen ayay qoladii kalena u dhiibeen ee gargaarka degdega ahayd si iyaguna ugu diiwaan geliyaan. 


Waxyaabihii laga helay badankooda ayaa bac yar lagu shubay, waxaanna qaatay ciidanka nabadgelyada si ay u baadhaan,  waxaa kale oo ay qaateen, dhalladii loo sheegay inuu watay oo isla bacda ku rideen, si haddii ay dhimasho timaado ay u noqoto raadraac kaalinta ay ku yeelan karto.

Ciidanka nabadgelyada waxaa ka yaabiyey oo ay la amakaageen in aqoonsiga ay ka heleen,  jeebka ninki dhibku ku dhacay uu ahaa mid dhacsan oo ammin dhaaf ah saddex gu`iyo dheeraad.

Xaashi waa dhibanihii  arrinkani haleelaye  waxaa la wareegay  xilkiisa qoladii gargaarka, iyadoo qolyihii ciidanka ahaa ay ka codsadeen in ay la soo socodsiiyaan xaalkiisa, haddii soo nabdaado ama baraarugona loo soo sheego, waayo waa qof aan la garanayn meel loo raaco iyo cid taqaan, dalkana aan deegaan ku ahayn, markaa ciidanka nabadgelyadu hawshoodu waa inay ogaadaan oo yaqaanan qof walba oo dalka ku sugan,  hawsha uu joogo, halka uu degan yahay iyo waxa uu qabto.

Qoladii gargaarkuna waxa ay  ugu warceliyeen, Hawraarsan, waxa ayna baabuurkooda ku qaadeen Xaashi oo weli miyir daboolan.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*