April 3, 2020

XOG:Dowlad G/ HirShabelle Misaaniyad bay Ansixiyaan Sanad Walbo, Canshuur badan Way qataan, Halkee Ayay Ku Bixiyaan?


Shir ay Maanta isugu yimaadeen Golaha wasiirada HirShabelle ayaa lagu Ansixiyay Miisaaniyadda 2020 oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo dowladda dhexe iyo hay’adaha caalimiga ah, waxaana ay gaareysaa miisaaniyadaasi $14,010,984 “Afar iyo toban malyan toban kun iyo sagaal boqol iyo siddeetan iyo afar dollar”.

Hase ahaatee Sida Muuqata miisaaniyaasi iyo kuwa ka horeeyay ma jirto Degaanada HirShabelle wax loogu qabtay waa kaliya Afka ka sheeg waxii idin soo mara Cuna kaliya.”

Halkee Ka Soo Gashaa Canshuurta Bariga.

Dhamaan Wadooyinka Soo Gala  Maamulka Hirshabelle waxa ay dhigteen Isbaaro Xad dhaaf ah Oo  Ay Ka Qaadayaan Sida Baabuurta Xamuulka ah iyo rakaabka   Iyo Kuwa ku sii jeeda Muqdisho, Taasina Waxaa u sii dheer mida ay ka qaadaan suuqyada Magaalooyinka Balcad  Warsheekh, Mahadaay,  cadale, jowhar  Jalalaqsi, ,Buulo-burte Iyo Beledweeyne ,

Dhamaan Canshuurtii laga qaaday shacabka HirShabelle ayaan wax loogu qaban , Ma Jirto Isbitaal ay ku dhiseen Ma jirto Iskuul wax barasho ay ku dhiseen Ma jirto Waddo laami ah ama Xitaa Mid Jid Cade ah oo ay ku dhiseen, Nassib darada ugu weeyn ayaa ah ma lahan Xaruumo Dhisan uu Ku Shaqeeyo Maamulka HirShabelle ,Waa nasiib daro baaxad leh,

Sidoo kale Ma Jiro Banki Dhexe  uu leeyahay Maamulka HirShabelle  Waxaana Meesha Ka Muuqata in aysan Jirin Isla Xisaabtam Sax ah ,Sida Muuqata Lacagtaasi Waxa ay ku baxdaa Sida la sheegay Madaxda HirShabelle Waxaana ay ku kala Qaataan Ceeyrinka Ama Cadaanka,

Dhawaan ayay aheeyd Markii  Mid ka mid ah Degaanada Hoos yimaada Dowlad Gobaleedka HirShabelle uu eedeeyn kulul u jeediyay Wasaarada Waxbarashada HirShabelle in ay indhaha Ka Qabsatay Dhismaha Iskuulka Degmada Ceelbaraf ee Maamulka HirShabelle  ka socda,

Mid kamid ah Shacabka ayaa ii sheegay in ay Fariimo badan u direen madaxda HirShabelle in ay ka qeeyb qaataan dhismaha Iskuulka Degmada Ceelbaraf Iyo Dhamaan Goobaha Waxbarasho ee looga Baahanyahay Degaanada Hirshabelle, Waxa uu Yiri “Waxaan Nahay Canshuur bixiye Jidka Waxaa la iiga qadaa canshuur Xad Dhaaf ah  waddo laguma dhiso,iskull laguma dhiso isbitaal laguma dhiso,ma naqaano Halka ay ku baxdo lacagta nalaga qaado” Ayuu yiri”

Dhinaca kale Musiibadii ka dhacday Magaalooyinka Beledweeyne Iyo Mahadaaye Waxba kama aysan qabanin Maamulka HirShabelle halkii ay ku maqleen ayay uga tageen Inkastoo shacabka somaliyeed dal iyo dibed ay u gurmadeen.dhibaatooyinka ka dhacay magaalooyinkaasi ee Hirshabelle,


 

Si kastaba Ha ahaatee Maamulka HirShabelle ayaa Dhisan Muda ka badan Sedex sano mana jiro Wax qabad wanaagsan  uu ku soo kordhiyay degaanada HirShabelle  Balse waxaa jiro Dhaqaalo faro badan oo laga helo Dowlada Dhexe iyo Beesha Caalamka lamana Garanyo Halka ay maraan,waana nasiib daro taagan ,Shacabka ayaa ku eedeeya in ay Madaxda HirShabelle aysan u muuqan in ay wax u qabtaan Dadka Iyo Degaanadooda, 

 

 

 


 

W/Qoray

Liibaan balcad

balcad110@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*