April 3, 2020

Hir-Shabeelle oo Amar kusoo Rogtay Ganacsatada Iyo Ganacsatada Oo yaaban


Wasaaradda Ganacsiga ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku soo rogtay  amar Ganacsatada ku nool deegaannada Maamulkaas inay muddo bil ah gudahood isku soo diiwaangeliyaan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow ayaa sheegay in ay yeesheen Madaxda Wasaaradda & Rugta Ganacsiga Gobolka Shabeellaha  Dhexe kulan looga hadlayay Arrimaha Ganacsiga.

 


Waxaa uu sheegay in,iyada oo la tixraacayo Ansixintii Xubnaha Baarlamaanka Sharciga Sumadaha & Shatiyada,kaas oo Wasaaradda wax badan ka xayirayey ay soo saareen ammaradaan.

1: In ay isasoo diiwaangeliyeen muddo Bil Gudaheed ah dhamaan Ganacsatada kala duwan ee deegaannada Hir-Shabeelle.


2: Inay isasoo diiwaangeliyaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay si loola socodsiiyo isbedel Ganacsi oo jira.

3: Dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta & kuwa Xawaaladaha ee ku yaalla deegaannada Hir-Shabeelle iyana lagu amrey inay isasoo diwaan geliyaan hadii kale la xiri doono.

4: Amaradaan ayuu sheegay inay ku socdaan dhamaan Ganacsatada deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana Ganacsadihii aan is diiwaangelin lagala laaban doono shatiyada Ganacsi oo ay hesytaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow in ay fulinayaan Amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Hase Ahaatee Wasaarada Ganacsi HirShabelle ayaan laheeyn awood Ay dadka ku amarto Maxaa yeelay ma ahan Wasaarad u adeegta Shacabka Hirshabelle Sidoo kale Waxaa jira Canshuur laga qaado goobaha ganacsiga Jowhar Waxaana ay Hoos tagtaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle mana jiro Banki dhexe Oo Lagu shubo lacagaha canshuurta.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*