April 3, 2020

Taliyihii Saldhigga Booliska Afgoye oo qarax miino lagu diley


Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in taliyihii saldhiga booliska degmada Afgooye lagu diley qarax miino.


Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa waxaa ku dhintay Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow iyo weliba ilaaladiisa oo lagu sheegay inay gaarayeen ilaa saddex askari.


Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha, waxaana uu sheegay in laamaha Ammaanka ay waddaan baaritaano.

“Allaha u naxariisto Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Captian Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo Mujaahidiinti la socotay ee galabta ku shahiiday qarax argagixisada ay la eegteen gaari ay saarnaayeen, janada fardowso allaha ka waraabiyo Aamin Aamin” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*