April 3, 2020

Wasiirka Amniga oo beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo la dul dhigay Hoyga Sheekh Shariif


Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo la dul dhigay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.


Qoraal uu Wasiir Islow soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka mudan yahay ixtiraam, isla markaana aysan jirin Ciidan dowladeed oo weerar ku ah.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa inay wararkaasi yihiin been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro”ayuu yiri Wasiir Ducaale.


Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalo ay bartooda Facebook Ay Soo  dhigeen waxay kaga digeen Ciidamo ay sheegeen in la dul dejiyay agagaarka Guriga Sheekh Shariif, si gaar ah waxay u sheegeen in cawaaqib xumada ka dhalata arrintaas uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan nawaaxiga hoyga uu ka degan yahay Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, waxaana wararkan noqdeen kuwo loogu hadal heyn badnaa magaalada Muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*