April 3, 2020

XOG:M/Farmajo Iyo Fahad Yaasin Oo Bixiyay Goankii Lagu Weerari lahaa Shariif Iyo Siyasiyin kale


 Sida la Xaqiijiyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo NISA  in uusoo dhamaaday qiimeen ay dhawaan waday NISA taaso ah sida loo weerarayo Hoyga Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed iyo sida looga hortagi karo hadii uu dagaal ka dhasho weerarkaas,

Xog uruurintaas oo ay si wada jir u sameeyeen  Taliyaha Sirdoonka Caasimada Ciise Mohamed Ciise iyo laba nin ee Cabdirisaaq Jaamac oo ah Gacanta Midig ee Fahad Yaasiin isla markaasna ku magacaaban Waaxda Howlaha Gaarka NISA,  iyo Abdullahi Kulane Jiis Mareexaan.

Sida la  xaqiijiyay  warbixinta ay soo diyaariyeen NISA waxaa loo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo wuxuuna la tashi ugu yeeray RW Khayre iyo Wasiirka Amniga  Qaranka Isloow loona sheegay inay tahay arrin ammaanka lagu ilaalinayo.


Dood dheer kadib,  waxaa la isla gartay in Howlgalkaas ay fuliyaan Saraakiil Mudullod ah, sidoo kalena la xiro xuduudaha Magaalada Muqdisho,  dhaqanka iyo siyaasiinta Beesha oo ay ugu horeeyaan Abdullahi Shiekh Hassan, Ali Mohamed Geedi, Salaad Cali Jeele , Cumar Finish iyo qaar kamid ah oday dhaqameyada beesha, gaar ahaan mudulloodka in ay taagaan idaacadaha weerarka kadib si loo dajiyo xasarada lafilan karo iney ka dhalan karto haddii la weeraro Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed.

Sido kale waxaa dood dheer oo laga yeeshay Madaxweyne Shariif in lagu khaarijiyo Howlgalkaas iyo in lagu soo xiro, waxaana la isla gartay in la soo xiro laakiin uu ku dhaawacmi karo weerarka inta uu socdo.


Hadii kale aan ku qal qal gelino in Ciidan la dhigo Gurigiisa Hortiisa Si looga Xanibo siyasiyiinta la kulmeeysa Hogaamiyaha Axsaabta Siyaasada Madasha qaran. hadii aan ka go,doomino siyaasiyiinta asiga ayaa ka cararay dalka .

Haddii uu fulo weerarkaas isla markaasna sida qorshaha yahay lagu guuleysto halkaas waxaa dhici doonta in Siyaasi  ka soo horjeeda Taliska Digtatoorka ee Farmaajo  uusan jirin Siyaasigii  Madaxa soot aaga ama ka  hadla  waxa socda iyo dhibta Bulshada somaliyeed  lagu haayo  in la qaarajiyo taaso ay ugu horeeyso.

  1. Magaalada Muqdisho aan laheen Matalaad Siyaasadeed iyo cid wax u tiraahda.
  2. Xabsiyada Dowlada oo ay buux dhaafiyeen dadka Dowlada ka aragtida Duwan ee kasoo jeeda beelaha somaliyeed gaar ahaan Beesha mudulloodka.
  3. Dhaqaalaha kasoo xarooda Muqdisho  in  lagu hormarinayo Gobollo kale .
  4. In aysan jirin Maamul goboleed ay leeyihin Dadka  ku nool Gobolka Banaadir.
  5. Saraakiisha Ciidamada Sida  Qabiilada Ka Soo Horjeeda  in lakala diray oo laga reebtay inta dabadhilif ka ah ama lagu fushado dano ah in lagu laayo dadkooda.
  6. Shaqaalaha Rayidka dowlada in lagu sameeyo heeb sooc sida kan Waa Reer Hebel ee  hanooso dhaweyn iwm, tasso dhaxalsiisay shaqalaha qaar in aan loo dirin siminaarada dibada, fursad walbo looga faaideyo  beelaha kale. ee taagersan Xakunkaa Fashilka ah loo diro. 

Si kastaba Ha ahaatee hab dhaqanka uu la soo baxay madaxweyne farmaajo ayaa ah mid uu ka dhaxlay kaligii taliyahii maxamed siyaad Bare kaas oo u horseday bur burka soo gaaray dadka iyo dalka somaliyed, balse dadka somaliyed ayaa ah kuwa aan ka yeelin waxa uu wado farmaajo Iyo Kooxda uu Horkacayo waxaana laga dhaxli donaa cawaaqib ka daran tii laga dhaxlay maxamed siyad bare,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*