June 5, 2020

Wasiir Goodax”Masar kama Taliso Muqdisho Iskuulka 15 may Waxaa Ka Mas,uul ah Somaliya”


Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay ujeedka ay Wasaaradda ula wareegeyso Iskuulka 15 May oo ay maamulayeen Guddiga waxbarashada reer Masar, iyadoo ardayda dhiganeysay Iskuulka ay si lacag la’aan ah wax ku baran jireen

Dugsiga 15 May ayaa tan iyo sanadkii 2015 waxaa gacanta ku hayay Guddiga Waxbarashada reer Masar, iyadoo Iskuulkan manhajka laga dhigayay uu ahaa manhajka waxbarashada dalka Masar oo ah waxbasradaha Hoose iyo dhexe.

Wasiirka Waxbarashada Cabdillahi Goodax Barre oo wareysi siiyay BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay barahooda bulshada ku qoreen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Federaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo sheegayay in sababta dawladdu ula wareegtay dugisga 15 May ay ka dambeysay amar uga yimid dawladda Itoobiya.


“Waan arkaayay baraha bulshada iyo baraha internet-ka arrimaha Soomaalida ka hadlo xildhibaanno ka hadlaayo, aniga xildhibaannadaas, xildhibaanno siyaasadda ka dhacay oo dowladnimada iyo wadaniyadooda ay aad u hoosayso ayaan aaminsanahay inay yihiin”. ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Mr Goodax ayaa sheegay in go’aanka Iskuulkaas ay ula wareegaan uu yahay mid ay ugu daneynayaan sidii howlahooda ugu qabsan lahaayeen.


“In go’aan iskuul ku yaal Xamar oo aan dadkeenna ugu danaynayno oo aan howlaheenna ku qabsanayno ay yiraahdaan dowladda amar ayaa meel laga soo siiyay waa u wadaninimo xumo waana u dadnimo xumo. Waxay rabaan oo kale ha sameeyaan laakiin inay tacliinta siyaasadeeyaan waa u dadnimo xumo.”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Guddiga waxbarashada Masar ee gacanta ku haya Iskuulka 15 May ay ku wargelisay inay la wareegayaan iskuulkaas, loona bedelayo Machadka waxbarashada gabdhaha wax ka dhigi doona Iskuulada Hoose iyo dhexe.

Go’aankan dowladda soo saartay ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ay soo baxday in dowladda Federaalka ay ka laabatay taageeradii qaraarkii Masar horgeysay shirka jaamacadda carabka ee ku saabsanaa arrinta wabiga Niil oo lagu cambaareynayay tallaabooyinka dowladda Itoobiya ku xoojineysay qorshaheeda biyo xireenka ay sameysatay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*