June 6, 2020

R/W Kheyre Oo u Taagan Musharax Madaxweyne Iyo M/farmaajo uu Xaalka Ku Xunyahay


Xaalada Coronavirus ka hor hadal heynta ugu badan wuxuu ahaa hamiga Xasan Cali Kheyre ee xilka Madaxweynenimo, maadaama uu dhaafay xeyndaabkii Ra’iisul Wasaarenimada, iskoorkii muddada xil heynta Kursiga Ra’iisul Wasaarana uu ka sara maray Cali Maxamed Geeddi.


Waxaa dad badan ay saadaalinayaan marka loo eego xaalada guud ee dalka inuu noqon doono Musharax Madaxweyne, suurta galnimada arrintaas ku dhici karto waxaa laga soo xigtay rag aad ugu dhow, tiiyo ay jiri karaan caqabado uu kala kulmi karo haddii uu bannaanka keeno hankiisa Musharaxnimo oo ay isaga hor imaan karaan Madaxweynihiisa aysan marna isku dhicin saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Ka sokow hadal heynta damaca Xasan Cali Kheyre ee xilka Madaxweynenimo waxaa wehliya Narrative ama Sheekooyin lagu dilayo hamigiisa oo suuqa la soo geliyay oo ay gadayaan rag ku xiran Madaxweyne Farmaajo ama heyb wadaag la ah, oo sheegaya in aanu iska garab sharaxi karin Madaxweynihiisa oo aanu abaal dhaan noqon karin, maadaama Xil Ra’iisul Wasaare uusan mudneyd la siiyay, lagana hormariyay dad kale, waa sida ay gadayaan Kooxda Madaxweynaha ku hareereysan.

Aragti kale ayaa orraneysa “Haddii tooda loo yeelo sow Madaxweyne Farmaajo isagaba abaal kuma lahan Beesha Ra’iisul Wasaare Kheyre markii xilka Ra’iisul Wasaare loo magacaabayay sanadkii 2010 rag layaqaano oo xilligaas saameyn ku lahaa dowladdii Sheekh Shariif ma keenin, Buffalo kama doonin una ololeeyay inuu Sheekh Shariif u magacaabo xilka Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010, abaal sheegasho haddii ay timaado taasba tusaale looma soo qaadan karo, miyeysan aheyn “Saan saan ku gud saxan saxan ku gud”


Qofka hanka leh waxaa go’aamiya awooddiisa iyo aragtidiisa damaca uu rabo ha yeeshee, waase haddii aanan la suurad xumeyneyn!!

Abdiaziz Golfyare:

Abdiaziz Golfyare

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*