June 6, 2020

XOG:Wafdigii Cabashada Ka ahaa Liiska Xildhibaanda Baydhabo Oo Waji Gabax kala Kulmay Lafta gareen


Ayadoo Dhawaan  la soo Magaabay Xildhibaanada Konfur galbeed ee Somaliya Hase ahaatee  Khilaaf  Xoogan Oo ay ka muujiyeen Beesha Hawiye ,

Shir ay isgu yimaaden Siyaasiyiinta Beesha hawiye ee ka tirsan dowlada federlka ayaa ka dooday saamiga ay ka heleen Mamulka Konfur Galbeed Somaliya.

Hase ahaatee Waxaa  ay sheegeen in aysan ku qanacsaneeyn waxaana ay isku raaceen in ay cabasho ka muujiyaan sida wax loo qeeysaday waxaana ay go,aan ku gaareen in ay safar ku tagaan Magaalada Baydhabo si ay uga Hadlaan Arinkaasi. Waxaana ay Kulan la qaateen Madaxweyne C/casiis Lafta gareen 


Kulankii ay la qaateen Madaxweye C/casiis lafta gareen ayaa naqday mid aan ka soo bixin wax natiijo ah waxaana uu ku yiri Samiga aad Hadda ka hesheen Mamulka Konfur Galbeed Xaq uma laheeyn Balse waan idinku Naxariistay ee Safarkiina Ku Laabta. Waxaana ay kala Soo Kulmeen Waji Gabax  waxaana ay dib ugu soo labteem muqdisho .Wax warbixin ah kama aysan siin shacabkii ay matalayen waxaana ay ku yiraahdeen meel fiican ayay wax marayaan, ayagoo ka xishoonaya waxii ay kala soo kulmeen Baydhabo in ay u sheegaan.


Dhinaca kale qaar  ka mid ah shacabka ku nool G/sh/hoose ayaa sheegay Madaxda iyo Xildhibaanada Halkaasi Tagay in aysan ka aheey Arinka Daacad Balse ay ka aheeyd kaliya in ay bulshada ku dajiyaan Xiisada Markaasi Jirtay .Waxaana ay sheegeen in ay ahaayeen Kuwa Caada qaatayaal ah oo aan damiir laheen, Sidoo kale waxa ay sheegeen in Hadda Ka Hore uu Qiyaano la mid ah Kuwan Meesha Tagay uu Ku sameeyay Gobolkaan sh/hoose Madaxweynihii Hore Xasan Shiiq  asigoo Ku Qasbay in ay la midoobaan G/BAY IYO BAKOOL.

“Hadda ka hore ayaan Shir  Ku yeelanay Magalada Afgooye waxaana ku dooranay madaxweeyne Iyo Ku Xigeen labada shabelle waxaana aad uga soo horjeestay madaxweynihii waqtigaas talada haayay ee xasan sheeq”Sidaa waxaa yiri qaar ka tirsan wax garadka sh/hoose”.

 

Si kastaba Ha ahaatee Shacabka Ku nool gobolka shabellaha hoose ayaa ah shacab ku dulman degaankooda mana jiro siyaasi ka hadlo dantooda waana shacab lagu tunto hadii ay ahaan laheeyd maamulka konfur galbeed  iyo Ciidamada AMISOM, iyo Ciidamada reer galbeedka ee ku sugan somaliya kuwaasi oo u geesta duqeeymo aan loo meel dayin Dowlada Federalka oo aan ka hadlin dhibatooyinka lagu hayo Shacabkaasi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*