June 6, 2020

FIIRSO:Kulan ka Dhacay Muqdisho”AUN Taliye Maxaadeey Cadaalad ayuu u Baahan yahay”


Kulan ay isugu  yimaadeen wax garadka iyo dhalinyarada beesha agoonyar gaabane ayaa ka dhacay magaalada muqdisho waxaana  ay kaga hadleen dilkii loo geeystay taliyahii ciidamada Gor-gor ee dowlada somaliya maxadeey suleeymaan abiikar iyo Askari la socday waxana lagu  dilay magaalada muqdisho Bishii oktoobar 2019.


AUN Taliye maxaadeey iyo Askariga lala dilay ayaa lagu qasbay in ay ka soo dagaan gariga ay la socdeen ayna ku soo lugeeyaan wadada Hase ahaate waxaa si bareer ah u toogtay Ilaalada Wasiirka aminiga Somaliya Maxamed Abuukar islaaw. 

“Ilaada wasiirka amniga somaliya Maxamed Abuukar islaaw ayaa toogtay waxaana u yiri meeydka hala duugo aniga ayaa qaadaya mas.uuliyada ” Sidaasi ayaa lagu duugay meeydka AUN Taliye Maxadeey iyo Askarigii la socday .ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii beesha agoonyar gabane.

Sidoo kale waxaa dhamaan la tirtiray Hotelka lagu toogtay CCTV Kamirada ku jirtay  si aan loo helin wax cadeeyn oo muujinaya waxaana ay dowlada somaliya ugu baaqayaan in ay cadaalad u helaan wiilashoodii laga dilay, dalka dowlad iyo sharci ayaa ka jirto waxaan la tiigsaneynaa Cadaalada.


Si kastaba Ha ahaate taliyaha ciidamada Gor-gor AUN  ayaa la sheegayaa dilkiisa in uu ahaa mid qorsheeysan oo la doonayay in lagu dilo waxaana laga soo abaabulay Villa somaliya sidaas waxaa sheegay dad badan oo ehel la ah Taliye maxaadeey AUN. Hase ahate dowlada wax jawaab ah kama bixin dilkiisa.

Dhanka Waxgaraka kulan isugu yimid ayaa ka soo saaray warsaxafadeed sidaan ayuu ahaa 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*