June 6, 2020

Madaxweeynihii Hore Shiikh Shariif “Ammaanta eedda loo bedelay.”


Ammaanta eedda loo bedelay.


Jeceeylka loo qabo madaxweeynihii hore shariif sheekh axmed iyo hadallada munaafaqiinta saameeynta eey ku yeesheen ummadda soomaaliyeed,

Qormadaan kooban ka faa’iideeyso haddaad tahay muwaadin la marin habaabiyay oo la rogay hab fikirkiisii wanaagsanaa.

Madaxweeynne sh shariif waa nin daacad ah jecelna soomaalinimada iyo wada jirka umadda somaliyeed”

Dadka sida tooska u yaqaanno wexeey sheegaan inuusan eheeyn daanaq ama dhuuni ama tuug uuna yahay nin xishood badan waxne ukala soocanyihiin dadkana ixtiraama oo jecel aragti wadaagga iyo tix gelinta fikirka qofka,

Isla markaana aan eheeyn qabyaaladiisate waana nin tanaasul badan sida la sheego.

Jeceeylka loo qabo sh shariif,

Ummadda somaaliyeed aad ayeey ujecelyihiin marka aad u kuurgasho qof kasta wexeey kuleedahay shariif wuxuu ahaa nin fiican waan taageersanaa seddaxdii doorasho oo uu isa soo sharaxay si uu uqabto xilka madaxweeynaha (JFS) haddane wili waan taageersanahay xushmad ayaanna uhaayaa ayeey dadku dhahayaan markaad eegto boqolkiiba boqol”

Hayeeshee waxaa jira dad eey ula jirto inkastoo intuu xilka haaye laba jeer la khiyaanay oo sumcaddiisa la dhaawacay,

Markaad weeyddiiso labada jeer oo la khiyaamay in kastoo uusan qof la khiyaamay cidda khiyaantayne tahay dadki shaqadu kala dhexeeysay aan lugu eeydeeyn karin waa la khiyaamay oo cidda eedda mudani tahay cidda wax khiyaantay oo kaliya”

Weexeey kuugu jawaabayaan,

Waxaa lagu khiyaamay garoowe one (1) iyo garowe too(2)

Waxaan rabaa inaan tilmaamo labadii shir ee umadda somaaliyeed aayeheeda uga tashaneeysay oo lugu qabtay magaalada garowe ee maamulka puntland in eey ahaayeen laba shir oo muhim u ahaa umadda somaaliyeed loogana tashanaaye sidii dalka loo samata bixin lahaa looguna qaban lahaa dalka gudihiisa doorsho xalaal ah waana lugu guleestay alle mahaddii waana ta sababtay 2012 kii dugsiga tababarka booliska soomaliyeed lagu guuleestay in la dhigo sanaadiiq lagu kala saarayo musharaxiin utartamaya jagada ugu sareeysa dalka”

Haddaba cidda shariif ku ceebeeyneeysa garowe kow iyo garowe labo ma wexeey jecleeyd in imbigaati kow iyo imbigaati labo la qabto miyeeysan ogeeym shariif hortii in shirarka looga arrinsanaayo arimaha somaalia lugu qaban jiray dalalka deriska ah sida ethiobia kenya iyo Djabuti miyeeysan xasuusan shirkii impigaati ama dowladdii loogu magac daray dowladdii carto ee cabdi qaasim madaxweeynaha ka ahaa?

Waa maxaay ceebta ku jirto magaalo ka mid ah magaalooyinka nabaddu ka jirto ee soomasliya in leesugu tago ee lagu shiro?

Waxaan hubaa inaad ceeb haba yaraatee uheeyn lkn aad garowsatay ineey adiga ceeb kugu tahay inaad madaxdaadi ku ceebeeyso mexeey dalka gudihiisa shir ugu qabsadeen?

Garowe kow iyo Garowe labo waxaa loogu magac daray laba hishiis oo eey gaareen saamileeyda siyaasadeed ee somaaliya waana qeeyb ka mid ah guulihii eey gaartay dowladdii waagas jirtay oo uu madaxweeyne shariif hogaaminaye;

Kala garo ammaanta iyo eedda uu qofku mudanayahay hana ku eedin wixi aad ku amaani leheeyd.

Ku ammaan shariif,

1-inuu shirarki dibadda lugu qaban jiray ku qabtay dalka gudihiisa.

2-inuu doorashadi 4 jeer dibada lugu qabtay uu ku guuleestay inuu ku qabto casimadda umadda:

3-ku amaan inuu bilaabay dib uheshiisiinta umadda somliyeed:

4-ku amaan inuu xilka si dimuqraadi ah u wareejiyay:

5-ku amaan inuusan shilin ka xadin umadda somaaliyeed oo uu ilaaliyay amaanadii loo dhiibay:

Ku amaan wax kasta oo mudan in lugu amaano,
Ku amaan waxyaabaha aad ku eedeeyneeyso oo Shirki garowe ka mid yahay.

من لم يشكر الناس لا يشكر الله..


Dhamaad.

W/q  Abuukar Taqi Ahmed 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*