June 6, 2020

SAWIR:Hub Iyo Dhar Ciidan Oo Gacanta Lagu Dhigay Magaalada Addis ababa


Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah ay qabteen waxaana ay ka heleen bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla Magaalada Addis Ababa.

Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska ay isticmaalanaa .


 sidoo  kale bakhaarkaasi waxaa  lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacanta uu ku jiro

Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xirtaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato.

 Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sidoo kale bakhaarka laga helay in 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250.

 booliska Magaalada Addis Ababa Waxa ay gacanta ku soo dhigeen 5 qof oo lala xiriiriyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin.Dharka ciidan ee la qabtayKoofiyadaha booliska deegaanka Soomaalida.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*