June 6, 2020

XOG :Waa Sidee Damaca Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhibaatada Laga Dhaxli Doono


Tan iyo markii uu soo baxay Damaca Madaxweyne Farmaajo ee ah mudo kordhin  loo sameeyo heyadaha Dowlada oo xilhayntooda ku eg 7 February 2021,

Madaxweyne    Farmaajo si uu garab military u hello wuxuu raali galiyay Dowlada Ethiopia  isla markaasna u fuliyay dano aysan ku dhiirakarin Madaxdii ka horeysay  Madaxweyne Farmaajo ,

Intii uu Raali galinayay Ethiopia Waxaana taariikhda galay inta la ogyahay qodobada soosocdo,

  1. Dhiibisti Muwaadin , Sarkaal ka tirsan CXDS, Halyeey dhiigiisa u huray difaaca Qaranimada Soomaaliyeed Cornel Abdikarin Shiekh Muuse Khalbi dhagax
  2. Hibeenta 4 Dakadood si sharuud laan ah, oo loo saxiixay Ethiopia
  3. Hishiisyo qarsoon oo uu lagalay Dowladaha Ethiopia & Eritrea taaso Halis ku ah Dalka , Dadka & Dowladnimada Soomaaliya,
  4. Hishiis uu Ethiopia kula galay in Somalia ayka mid noqoneyso Shucuubta Ethiopia isla markaasna hal dowladood ku midoowayaan, Markaati u ah Hadalkiisii waa walaalo itoobiya iyo somaliya.
  5. Difaacida tacadiyada bini aadanimo ee geestan Ciidamada Ethiopia ee sida sharci darada ku jooga Soomaaliya ,

                    Madaxweyne  Farmaajo wuxuu sido kale fuliyay weeraro qorsheysan sida

  1. Wuxuu Halis galiyay Nolosha Madaxweynayaashii Soomaaray Dalka iyagoo safar u ah dalka gudihiisa oo ay sideen gargaar bini aadanimo ,
  2. Wuxuu xabsiyada muqdisho ku guray Siyaasiyiin Mucaarad ,
  3. Wuxuu dil qorsheysan ku dilay Nabadoono & Saraakiil sarsare oo Ciidan kuwaaso uu u arkayay ineey Qatar ku yihiin kursigiisa,

Madaxweyne Farmaajo  maana wuxuu sameenaya isku daygii uu ku xaqiijin lahaa mudo kororsi  hadiisa ay dhacdo dalka u horseedi doonto burbur iyo inuu dagaal sokeeyo aado ,

Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen howlaha diyaar garoowga Doorashada 2020/2021, wixii intaas ka danbeeyay dhamaan Saamileeda Siyaasadeed waxaay muujiyeen ineeysan suurtagal aheyn ama aan dib loo dhigi Karin Doorashada,

Soomaaliya kama dilaacin Caabuqa coronavirus marka laga reebo 3 Kiis oo la sheegay in lahaayo,  suurtagalna ma noqon karto in dib doorashada loo dhigo iyadoo marmarsiyo laga dhiganaayo waxaa laga hortagaa caabuqa Coronavirus ,

Tusaale Dowlada South Korea oo ah wadan uu ka dilaacay caabuqa Coronavirus  ayaa xaqiijisay in ay doorasho baarlaamaani u dareeri doonto  bisha may  2020

Soomaaliya waxaay marlabaad wajihi doonta dagaal sokeeyo hadii doorashada dib loodhigo  waana halis wayn oo so wajahday dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya ,

Horay ayeey arrintaan oo kale uga dhacday Soomaaliya markii Maxamed Siyaad Bare uu diiday in dalka ayka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah taaso dalka dhaxalsiisay 30 sano oo colaad ah lana heli layahay Soomaaliya oo mideeysan,

Tallada Marbeey lagudboon tahay Madaxda DFS waa in ay meel iska dhigaan  Danahooda shaqsiga iyo kursi jaceelka Soomaaliyana u ogolaadan ineey horay ugu socoto nidaamka dimuqraadiyada  ay kutilaabsatay,

Xasuusin, Ma jirto cid aqbalaysa muddo kororsiga maalmahan miiska hoostiisa lagu abaabulayo. Haddii doorasho qof iyo cod ah la qaban waayey, tii 2016 kii oo madaxda haatan joogta xilka ku yimaadeen, ayaa la qabanayaa, haddii aan la qaban karin, waxaa la qabanayaa tii 2012kii la qabtay, hadii aan la qaban karin Baarlamaanka ayaa madaxda dooranaya, isaguna sanad ka dib ayeey doorashadiisa la qabanayaa. Ma jirto meel ama si doorasho loo baajin karo ee yaan la is ceebayn oo magaca la iska dilin, dalkana halis iyo hoog hor leh la gelin.

 

 


 


W/Q

liibaan balcad

balcad115@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*