June 6, 2020

XOG:Dib u dhigista Doorashada Itoobiya Iyo Damaca Doorsho M/Farmajo Oo aad u Kala Fog


Waxaa jira cabsi laga qabo in dowlada Fedaraalka Soomaaliya ay qorshaynaysa in ay dib u dhigto doorashooyinka dalka ee la qorsheeyey inay dhacaan sanadkan iyo horraanta iyo sanadka xiga, sida qoraal ay soo saareen ay uga digeen Madasha Xisbiyada Qaran.

Cabsida ayaa ah in madaxda dowladda ay cudurka Covid19 uga faa’iidsyataan in ay dib u dhigaan doorashada iyaga oo raacaya tallaabada ay qaaday dowlada Itoobiya oo dhowr cisho ka hor ku dhawaaqday in ay dhib u dhigtay doorshadii la doonayay in la qabto bisha August ee sanadkan.

Hase yeeshee xaalada Soomaaliya ay ku jirto iyo tan Itoobiya ayaa ah labo xaalad oo kala duwan, taas oo diideysa in dowladda federaalka ay marmarsiyo ka dhigtaan tallaabada ay qaaday dowlada Itoobiya.


toddobo sababood oo dib u dhigista doorashada Itoobiya kaga duwan tahay tan doorashada Soomaaliya:

1) – Itoobiya: Doorshada Itoobiya waxaa la qorsheynayay muddo ka badan saddex sano,  waxaa la diyaariyay dhammaan sharuucdii doorashada, diiwaan galinta codeeyayaasha, deeganada ay ka dhacayso doorasahada , lacagta ku baxayso iyo ogolaashaha saamilyada siyaasada dalka

Soomaaliya: Wali laguma heshiinin nooca doorasho oo ay  Soomaaliya qaadanayso, meesha ay ka dhacayso, cida dhaqaale ku bixinayso, diiwaangalinta cod-bixiyayaasha iyo guud ahaan diyaar-garwga doorashada

2) – Itoobiya: Doorashada dalka Itoobiya waa qof iyo cod, taas oo ay ka qayb-qaadanayaan 100 Milyan oo qof , kuwaas oo ku kala nool degaanada Itoobiya ka kooban tahay iyo waddamada ay ku nool yihiin dadka u dhashay Itoobiya.

Soomaaliya: Doorashada Soomaaliya waxa ay noqonaysaa mid dadban oo ku kooban tiro ka yar 10,000 kun oo qof, kuwaas oo ku koobnaan doono deegaano cayiman ama shan magaalo.

3) – Itoobiya: Doorashada Itoobiya oo ah  qof iyo cod, waxaa la qorshaynayay in ay dhacdo bisha August ee sanadkaan oo ay ka hartay afar bilood, taas oo aan suuragal ka dhigaynin in 100 Milyan ay doorasho u dareerto, xilli uu sii faafayo cudurka Coronavirus.

Soomaaliya: Doorashada madaxweynaha oo ah mid dadban oo ay dorashadu ku koobnaan doonto 327 qof, waxaa loogu taalagalay in ay dhacdo bisha Febaraayo sanadka 2021, xiligaas oo la isku raacay in cudurka Coronavirus uu ka hor adduunka ka dhamaaanayo ama la xakamayn doono.

4) – Itoobiya: Mucaaradka iyo muxaafidka ama dhammaan saamilayda siyaasadda Itoobiya oo ka heshiiyay dib u dhigista doorashada, qaabka dib loogu dhigayo, awoodda dowladda marka waqtigeedu dhamaado iyo xakamaynta awoodda hoggaanka dalka inta doorashadu ka dhacayso dalka.

Soomaaliya: Ma jirto cid la doonayo in laga talagaliyo dib u dhigista doorashada, waxaana muuqato in Madaxweyen Farmaajo uu kaligiis rabo iuu go’aan ka gaaro dib u dhigista doorashada, taas oo keeni karta in dalku galo xaalad dagaal.

5) – Itoobiya: Lacagaha ku baxaya doorashada Itoobiyaa ayaa kor u dhaafaya $800 milyan waxaana intooda badan bixinaya wadamada: Canada, Denmark, Finland, Ireland, Japan, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden, UK/DFID, US, Sauadi Arabia, Germany, France iyo kuwo kale.

Dowlada Itoobiya ayaa dhankeeda bixinayso 3.7 billion oo lacagta birr-ta ah taas oo u dhiganta $132 milyan  oo lacagta Maraykanka ah.

Soomaliya: Ma jiro wadamo ilaa iyo hadda si toos ah u sheegay in ay lacagta doorashada ka caawianyaan Soomaaliya sababta oo ah dowlada Fedaraalka oo laga la’ yahay in ay heshiis siyaasadeed la gasho saamilaysa siyaasadda dalka.

6) – Itoobiya: Doorashada qof iyo codka ah ee Itoobiya waxa ku tartamaya in ka badan 130 xisbi kuwaas oo mudo ka badan labo sano ku soo jiray diwaan galinta xubnahooda, bixinta lacagaha diiiwaan galinta,

Soomaaliya: Ilaa iyo hada ma jirto sharuuc xisbiyo oo dalka lagu dhaqayo iyo qaabka ay doorasho xisbiyo badan ugu dhici karto dalka mudo ku siman sagaal bilood.

7) – Itoobiya: Kuraasta xildihibanada oo ka koban 540 waxa loo qaybiyay deegano kala duwan sida: Tigray 38, Afar 8, Amhara 138, Oromia 178, Somali 23, Benishangul-Gumuz 9, South (15 different constituencies included) 123, Gambella 3, Harari 2, Dire Dawa 2 and Addis Ababa 23. Sidaas darteed waa ay adagtahay in mudo afar billod ah oo uu jiro cudurka Caronavirus ay dooradhooyinkaas ka dhacaan degaanadaas.

Soomaaliya: Soomaaliya kama jirto qaab doorasho oo kuraasta la geeynayo degaano goboleed ama degmooyin, sida kaliya ee loo qaban karaa doorasho dadban waxa ay tahay in lagu qabto shanta magaalo madax ee dowlad goboleedyada.

Soomaaliya waxaa doorasho lagu qabtay iyada oo dalka uu ka jirto masiibooyin kala duwan sida dagaalo iyo abaaro ay ku dhinteen kumaan kun oo Soomaali ah, waxaana tusaale noogu filan abaartii sanadkii 2011 dalka ku habsatay, iyada oo abaartaan jirto ayuu dalku aaday doorasho. Marnaba macquul ma aha in Farmaajo marmarsiiyo ka dhigto cudurka Coronavirus, oo loo badinayo inuu dunida ka dhammaado ka hor bisha August, uuna jiro waqti halsano ah oo ka haray doorashada Madaxweynaha.


Dowladda Maraykana oo doorashada madaxweyenha la filayo in ay ka dhacdo dalkaas bisha Novembar ee sanadkaan ayaan marnaba ku haminin in dib u dhigaan doorashadooda oo ay ka qayb qaadanayan in ka badan 300 oo milyan oo of,  iska daa doorasho dadban oo la qorshaynayo in ay ka dhacdo Soomaliya bisha Feberaayo ee sanadka danbe.

Waxaan shaki ku jirin in dalka Soomaaliya uu ka dhaci karo dagaal sokeeyo, haddii Madaxweeyne Farmaajo isku dayo inuu baajiyo doorashada qaranka, oo ay umadda Soomaaliyeed wada sugayso iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganayo cudurro iyo arrimo kale.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*