June 6, 2020

WARBIXIN: 50-kii Saxeex Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Premier League Oo La Shaaciyey,


20 sannadood ka hor, horyaalka Premier League caan kuma ahayn inuu iibsado ciyaartooyo qaali ah, sidoo kalena ciyaartoyda waaweyn ee magaca leh may tegi jirin, laakiin cudud dhaqaale oo ay yeesheen intii ka dambaysay waqtigaas waxay ku kasbadeen in tartanku noqdo midka dunida loogu daawashada badan yahay.

Dhaqaalaha faraha badan ee ay heleen kooxuhu iyo sida ay xuquuqda baahinta telefishannada ugu siman yihiin kooxaha yaryar ilaa kuwa waaweyn ayaa waxay siisay inay si siman u koraan dhaqaale ahaan marka la barbar-dhigo tartamada kale.

Saamaynta ugu weyn ee koboca kooxaha Premier League waxa keenay maalqabeenno iibsaday inta badan kooxaha waaweyn, sida Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Manchester City, kuwaas oo awood  u yeeshay in ciyaartoyda ay doonaan ay soo iibsan karaan.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 50-kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee kooxaha Premier League ay soo iibsadeen taariikhdooda, waxaanay iskugu jiraan kuwo gudaha kooxahan u kala wareegay iyo kuwa dibedda ka yimid, laakiin dhinaca  kale waxa iyaguna ka mid ah laacibiin xilli hore duqoobay oo kubadda ka fadhiistay iyo ciyaartooyo waqtigan garoomada ku jira.

Waxa kale oo xogtani soo bandhigaysaa kooxdii uu ciyaartoygu ka yimid, sannadkii, waqtigii iyo lacagtii lagu kala iibsaday, balse shuruudda kale ee muhiimka ah ee dhamaan ciyaartoydan lagu soo xulay waxay ahayd, in iibkoodu dhacay intii horyaalka loo bixiyey Premier League oo kasoo bilaabmaysa sannadkii 1992-kii.

Akhriso 50-ka ciyaartoy oo dhamaystiran

50) Darren Anderton | Tottenham (Ka yimid – Portsmouth – Qiimaha – £2.4m, 1992)

49) Wilfried Zaha | Crystal Palace (Ka yimid – Man Utd – Qiimaha – £3.5m, 2015)

48) Teddy Sheringham | Tottenham (Ka yimid – Nottingham Forest – Qiimaha – £2.8m, 1992)

47) Paolo Di Canio | West Ham (Ka yimid – Sheffield Wednesday – Qiimaha – £2m, 1998)

46) Luka Modric | Tottenham Hotspur (Ka yimid – Dinamo Zagreb – Qiimaha – £18.9m, 2008)

45) Lucas Radebe | Leeds United (Ka yimid – Kaizer Chiefs – Qiimaha – £338,000 with Phil Masinga, 1994)

44) Sadio Mane | Liverpool (Ka yimid – Southampton – Qiimaha – £37.1m, 2016)

43) Robin van Persie | Arsenal (Ka yimid – Feyenoord – Qiimaha – £4.1m, 2004)

42) N’Golo Kante | Leicester City (Ka yimid – Caen – Qiimaha – £8.1m, 2015)

41) Diego Costa | Chelsea (Ka yimid – Atletico Madrid – Qiimaha – £34.2m, 2014)

40) Raheem Sterling | Manchester City (Ka yimid – Liverpool – Qiimaha – £57.3m, 2016)

39) Freddie Ljungberg | Arsenal (Ka yimid – Halmstad – Qiimaha – £4.1m, 1998)

38) Xabi Alonso | Liverpool (Ka yimid – Real Sociedad – Qiimaha – £14.4m, 2004)

37) Claude Makelele | Chelsea (Ka yimid – Real Madrid – Qiimaha – £18m, 2003)

36) Juninho | Middlesbrough (Ka yimid – Sao Paulo – Qiimaha – £5m, 1995)

35) Yaya Toure | Manchester City (Ka yimid – Barcelona – Qiimaha – £27m, 2010)

34) Andy Cole | Manchester United (Ka yimid – Newcastle – Qiimaha – £8.6m and Keith Gillespie, 1995)

33) Jay-Jay Okocha | Bolton (Ka yimid – Paris Saint-Germain on a free transfer, 2002)

32) Ole Gunnar Solskjaer | Manchester United (Ka yimid – Molde – Qiimaha – £2.3m, 1996)

31) Kevin De Bruyne | Manchester City (Ka yimid – Wolfsburg – Qiimaha – £68.4m, 2015)

30) Ashley Cole | Chelsea (Ka yimid – Arsenal – Qiimaha – £6.7m and William Gallas, 2006)

29) Fernandinho | Manchester City (Ka yimid – Shakhtar – Qiimaha – £36m, 2013)

28) Pablo Zabaleta | Manchester City (Ka yimid – Espanyol – Qiimaha – £7.8m, 2008)

27) Robert Pires | Arsenal (Ka yimid – Marseille – Qiimaha – £8.8m, 2000)

26) Alan Shearer | Newcastle (Ka yimid – Blackburn – Qiimaha – £18.9m, 1996)

25) Philippe Coutinho | Liverpool (Ka yimid – Inter Milan – Qiimaha – £11.7m, 2013)

24) Petr Cech | Chelsea (Ka yimid – Rennes – Qiimaha – £11.7m, 2004)

23) Ruud van Nistelrooy | Manchester United (Ka yimid – PSV – Qiimaha – £25.7m, 2001)

22) Michael Carrick | Manchester United (Ka yimid – Spurs – Qiimaha – £24.5m, 2006)

21) Nemanja Vidic | Manchester United (Ka yimid – Spartak Moscow – Qiimaha – £9.5m, 2006)

20) Virgil van Dijk | Liverpool (Ka yimid – Southampton – Qiimaha – £76.2m, 2018)

19) Gianfranco Zola | Chelsea (Ka yimid – Parma – Qiimaha – £5.6m, 1997)

18) Luis Suarez | Liverpool (Ka yimid – Ajax – Qiimaha – £23.9m, 2011)

17) Mohamed Salah | Liverpool (Ka yimid – Roma – Qiimaha – £37.8m, 2017)

16) Gareth Bale | Tottenham (Ka yimid – Southampton – Qiimaha – £13.2m, 2007)

15) Vincent Kompany | Manchester City (Ka yimid – Hamburger – Qiimaha – £7.7m, 2008)

14) Alan Shearer | Blackburn Rovers (Ka yimid – Southampton – Qiimaha – £4.1m, 1992)


13) David Silva | Manchester City (Ka yimid – Valencia – Qiimaha – £25.9m, 2010)


12) Dennis Bergkamp | Arsenal (Ka yimid – Inter Milan – Qiimaha – £10.1m, 1995)

11) Rio Ferdinand | Manchester United (Ka yimid – Leeds United – Qiimaha – £41.4m, 2002)

10) Didier Drogba | Chelsea (Ka yimid – Marseille – Qiimaha – £34.7m, 2004)

9) Roy Keane | Manchester United (Ka yimid – Nottingham Forest – Qiimaha – £7.7m, 1993)

8) Cristiano Ronaldo | Manchester United (Ka yimid – Sporting Lisbon – Qiimaha – £17.1m, 2003)

7) Wayne Rooney | Manchester United (Ka yimid – Everton – Qiimaha – £33.3m, 2004)

6) Eric Cantona | Manchester United (Ka yimid – Leeds United – Qiimaha – £1.6m, 1992)

5) Eden Hazard | Chelsea (Ka yimid – Lille – Qiimaha – £31.5m, 2012)

4) Sergio Aguero | Manchester City (Ka yimid – Atletico Madrid – Qiimaha – £36m, 2011)

3) Patrick Vieira | Arsenal (Ka yimid – AC Milan – Qiimaha – £4.8m, 1996)

2) Frank Lampard | Chelsea (Ka yimid – West Ham United – Qiimaha – £14.4m, 2001)

1) Thierry Henry | Arsenal (Ka yimid – Juventus – Qiimaha – £14.5m, 1999)

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*