June 6, 2020

Waa Qormo aan ugu tala galay wacyi gelin ahaan. Ciddeebaa mudan in la canaanto?


Ciddeebaa mudan in la canaanto?

Waa Qormo aan ugu tala galay wacyi gelin ahaan. Haddaad aqriso aragtidaad hoos noogu reeb.

Waxaan nahay dad wada khaldama isla markaana wada canaan kulul tusaale laba qof oo somaali ah marka uu labadaa mid kamidihi dabaq 20 biyaano ah uu iska soo tuuro asoo laga yaabo inuu kasoo cararay halis kaleeto sida libaax amma mas ku haleelay dabaqa dushiisa isla markaana eey ku dhacday laba daran mid dooro ee uu door biday inuu dabqaa iska soo rido si haduu dhimanaayana uu walba hal mar uwada dhinto hadduu noolaan lahaana uusaan u adkeeysan in hilbihiisa midba mar la goosto,

Ayaa qofkaas dabaqa iska soo tuuray hadduu ku dul dhoco qof dhulka joogay ee uu xanuun yar soo gaaro kii dhulka joogay kii dabaqa iska soo tuurayne uu dhimasha ka badbaado lkn uu faayaha iyo feeraha ka jabo waxaa meeshii la dhihi lahaa war hala caawiyo lagala dul dhacayaa canaan iyo wuu waalanyahay iyo ha dhinto ha hoogo iwm”

In la canaanto dhibbanaha waa dhibaato somaalidu ubadantahay mana habboona waxaa habboon in canaanta ka hor loo fikiro si deggan lana fiiriyo qofkaan maxaa ku dhacay? Maxaa ku dhici kara? Maxaa ku kalifay waxa uu sameeyay? “Iwm lana caawiyo oo isxaan falo si loo badbaadiyo noloshiisa loona ilasliyo dareenkiisa adananimo”;

Marka aad gaari wada raacdaan adiga iyo darawalka haddii uu gaarigu shil ku dhoco ee uu darawalkii ku geeriyoodo shilka adiguna aad dhawacanto ma aha inaad inkaarto darawalkii geeriyooday adigoo ku eedeynaaya inuu gaariga si khaldan uwaday iidoo laga yaabo sababta keentay inuu gaariga sidaa u wado eey tahay qaddarta eebbe taasoo uu ku dhiman lahaa isagu adiguna aad ku dhaawacmi leheeyd ee waa inaad dhahadaa alx ilaaheeyoow i caafi asagana unaxariiso waayoo adiga shukri iyo alla bari ayaa kugu waajibay asna geeri ayaa ku waajibtay in loo duceeyana weey u waajibtay.

Bal adigu is weeydii waxa aad ka gasho dhacdooyinka aduunka iyo waxa aad baji karto inta eey la egyihiin ma moodeeysaa ineey dunida kadhacaan waxaan ilaahey qaddarin? Mase moodeeysaa inuu jiro ruux baaji kara qaddarka eebbe? Mase qaddarka ebbe ayaadanba ogoleeyn oo waxaad aaminsantahay in wax kasta la baaji karo? Haddii aad inkirsantahay bin wixii dhacaaba eey ahaayeen wax la baaji karay adiguba maxaadan ubaajin? Oo aad ugu eedeeyneeysaa cidkale oo aan aaminsaneeyn ineey dhib iska badbaadi karto in allaha koonka maamulaahi badbaadiyo mooyee.

Inta aan qoraalka ku guda jiray ayaan soo xasuustay Qiso hadda ka hor igu dhacdaye haddaan tusaale usoo qaato” hadda ka hor ayaa annagoo safar ah baabuur kala duwnna wadanna ayaa waxaa dhacday nin gaariga aan saarnaa darwal ka ahaa inuu isku dayo inuu jidka ka diriqsado gaari naga horreeya isla markaana uu dhinac maro darawalki gaariga naga horeeya waday ayaa isna xawaara dheeriya ku daray si aan jidka looga gelin waxaa dhacday in labadii gaari ku sigtaan afar jeer ka badan ineey is ku dhacaan waxaa aniga shaqsiyan isoo garaay seddax jeer gaariga kaleeto jimbigiisa oo wiliba halis giliyay labadeeyda lugood oo bannaanka iigu baxsanaa waan suuxay inaan gaariga ka dhacana waan ku sigtay jugta isoo gaartay awgeed,

Wax yar markuu miirku igu soo labtay ka dib darawalkiina uu wili isku dayaayo gaariga ka horeeya uu ka galo saadka ama jidka uuna ku wado gaariga aan saarannahay meel jidka ka baxsan lkn kaabiga ku heeysa oo mararka qaar eey laba gaari is gaarayaan ayaan hal mar inta xanaaqay darwalki dharbaaxo inta isula kal bixiyay ayaan madaxa bartankiisa qabadsiiyay waryaa ma inaad na dhameesaad rabtaa maamtana waan ugu daray wasaq yahow markuu saan iisoo fiiriyana waxaan ku iri anigoo xanaaqsan gaariga hanugo leeyn xool yahow ninkii aad ayuu uxanaaqay wuuna aamusay hal km camal markaan soconnay ayuu gaariga joojiyay qorayne wuu iila baxay ama bunduq saa utaqsanaba anne waxaan sameeyay idiin sheegi maayee waa nalan kala qabtay asoo raba inuu baas igu tiriyo waan baxnay magaalada muqdisho ayaan safar u eheeynaye markaan sama tagnay ninkii wuxuu igu oogay dacwad qaraabo anna laba jeer ayaan dilanahay waxaa leey sheegay intaan qaraabadu i wicin ka hor inuu utegay nimmaan ilma adeer nahay asoo oonaaya marki leesu soo fadhiistaye la yiri hadal ee noo sheeg sida wax udheceenna wuu ooyay intuu ku guda jiray sharaxaadda wixii dhacay iyo sida eey u dheceen,


Ninku wuxuu ahaa nin iga da’weeyn muddana aan is naqiinnay wilibo aan isku fiicneeynne,

Anigu wixi dhib isoo garaay dareenka ninkaan ka muuqday dartiis ayaan candhuufta dib uliqay marki leey yiri maxaad saa uyeeshay waxaan kujawaabay inuu shil na geliyo ayaan ka baqay nafteeyda iyo tiisaba waa unaxaayee heeyga raalli ahaado hana icafiyo istaag ayaa leey dhay ee xabadka geli waa walaalkaa kaa weeyne waa yahay ayaan dhahay waana yeelay” allaah ha’u naxariistee,

Wadaadki afar maalin kadib ayuu safar ku naqday habeenkii afaraadne wuxuu ku dhintay shil ka dhashay gaarigii uu weday asaga iyo wiil kale ayaa ku dhintay dhaawacyo badanne weey jireen aniga ilaslahey wuu iga reebay safarkaas iyo safrro kale oo halis badan lahaa alx walaalkaas iyo inti dhimatay allaah ha’u naxariisto anaga alle khaatumada hanoo toosiyo. Amiim.


Qisadu waa xasuus igu dhalatay inta aan qoraalka ku guda jiray ujeedka qoraalkuna waa wacyi gilin iyo wax sixid.

Canaantu waa sheey loo baahanyahay lkn waa ineeysan meel kasta ee aan kala garannaa cidda mudan iyo cidda aan mudneeyn waana inaan ogolaannaa qadarta oo eeynaan moodin waxa dhacaaya sababtoodu kaliya ineey tahay wax annagu aan leenahay lkn aan ogaannaa inuu ilaaheey yahay xikmad badane uuna uga jeedo wax kasta ee dhaca wax uun xikmadda eebbe lama gaari karo lamana sheegin cid gartay inta uu ebbe gaarsiiyay mooyee.

Wixi aad nooga fikir duwantahay nala wadaag adoo mahadsan.

W//Q Abuukar Taqi Ahmed

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*