June 6, 2020

Guddoomiyihii G/ Mudug ee Puntland oo lagu dilay Qarax ismiidaamin ah Iyo Alshabaab Oo Sheegtay


Wararka ayaa sheegaya in Qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ismiidaaminta ayaa waxaa ku geeriyooday Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland iyo saddex ka mid ah Ilaaladiisa.


Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka ismiidaaminta uu watay mooto bajaaj waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa gaari.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Xarunta Gobolka, ayaa waxaa la arkayay qiic iyo uuro, waxaana goobta isku gedaamay Ciidamada amniga Puntland.

Waa weerarkii labaad oo is qarxin ah oo lagu dilo Guddoomiye Gobol ka tirsan Puntland, labo bil ka hor ayay aheyd markii qof xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee Puntland.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay qarax ismiidaamin ahaa oo maanta duhurkii ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo, kaasoo lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland.


Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, ayna ku dishay “camaliyad istish-haadi ah” Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur iyo Ilaaladiisa.

Weerarka qaraxaas ayaa la sheegay in loo adeegsaday mooto bajaaj uu watay qof naftii halige ah, kaasoo isku qarxiyay gaariga uu saarnaa Guddoomiyaha.

Waa weerarkii labaad oo noociisa ah oo Guddoomiye Gobol ka tirsan Puntland oo Al-Shabaab ku disho qarax ismiidaamin ah, waxaana labo bil ka hor sidan oo kale qof naftii halige ah oo isku qarxiyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*