June 6, 2020

Madaxweyne Saciid Deni “Puntland Weeraro Kala Duwan ayaa Lagu Hayaa Oo Leh Ujeedooyin”


Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii Gobolka Mudug oo maanta lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

Saciid Deni ayaa sheegay in falalkaas aysan wax u dhimi doonin, isla markaana ay umadda u shaqeynayaan.


“Waxaa heynaa raadad badan, waxaa lahayaa dad fara badan dilkii ka dhacay Nugaal qeyb ka ahaa, waxaa hada lagu daba jiraa falalka hada ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo maxkamadeyntooda ayaa socota, iyagoo meel fagaare ah lagu dili doono, waa u aareynaa mas’uuliyiinta reer puntland ee dadkooda u shaqeynayay ee lala beegsaday dilka”ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland uu ku socdo weerar hadafyo kala duwan leh oo lagu diidan yahya dowladnimadooda, degenaanshahooda iyo horumarkooda,


“Waxaa halkan farriin uga dirayaa shacabka, puntland waxaa ku socda weerar hadafyo kala duwan leh oo dowladnimadooda lagu diidan yahay, degenaanshahooda lagu diidan yahay iyo horumarkooda oo leh wajiyo kala duwan, waxaa shacabka ka codsanayaa inay garab istaagaan dowladooda”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweeyne  Deni ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladaha saaxibada la ah Soomaaliya ee dhinaca amniga ka taageera, aysan Puntland ka helin taageero ku saabsan dhinaca amniga, sida tababar ciidan, qalabeyn, isla amrkaana mallaayiinta doollar ee amniga ku badan ay inta badan ku bixiyaan deegaanada Koofurta

“Waxaa maalin kasta maqalnaa wadamada Soomaaliya saaxibada la ah waxay dhahaan mallaayiin dollar amniga ku baxday inta badan ay ku bixiyaan deegaanada koofurta oo amni darada ka sii ziyaadeyso, waxaa shaki naga galay inay u muuqato waxaa wax idin tareynaa goorta nala burburiyo, ammaanka la baabi’iyo dowlad ahaan waa isku tashnay ahmiyadeena koowaad ciidamada siineynaa, waxaa kor u qaadeynaa tababaradooda mushaaraadkooda ayaa kordhineynaa waxa Puntland heysato inaan u wajahno sida xasilooni iyo nabad lagu gaari lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*