June 6, 2020

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka qarxay Mudug


Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxay Ciidamo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, iyadoo dagaalka uu ka socdo deegaanka Taaroge.

Dagaalka ka socda deegaankaas ayaa dhowr jeer labada dhinac ku dagaalameen, waxaana uu salka ku hayaa arrimo la xiriiro aano hore iyo dhul la iska heysto.


Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan gaadiidka dagaalka.


Todobaadyo ka hor ayaa waxaa deegaankaas ka dhacay dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana markii dambe ku baxay maamulka labada Gobol ee Puntland iyo Galmudug.

si kastaba Ha ahaatee Muumulada Galmudug iyo Puntland ayaa ah kuwa aan xooga saarin Sidii xal looga gaari lahaa dagaalada Soo laab laabta Waana Nasiib daro in waqtigaan la daadiyo dhiga Ummada iyo in la  abuuro dagaalo sokeeye Waxaa Wanagsan in labada Maamul ay ka shaqeeyaan nabada shacabka wada dega gobalka mududug.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*