June 6, 2020

Maamulka Jubbaland Oo Lagu Wareejiyay Saldhig ay Deganaayeen AMISOM


Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay Ciidamada AMISOM ku wareejisay saldhig cusub oo halkaas laga dhisay kaas oo wax badan ka tari doona amniga gobolka.

Saldhigan waxaa maalgeliyey dalka Denmark, waxaana la sheegayaa in barnaamijkan uu qeyb ka yahay Sida  ay ciidamada AMISOM amniga ugu wareejinayaan Soomaalida.


  Madaxa AMISOM ee  ah Sector 2,  ayaa wareejiyey saldhigga isaga oo ku hadlaya magaca ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in Dhoobley ay noqotay magaalo weyn, marka ay magaalo kortana waxa ay wadataa caqabado una baahan amni Waxaana Wanaagsan in laga kaalmeeyo Wax yaabaha ay u Baahan yihiin”


 

Qorshaha ciidamada Soomaalida ay amniga kala wareegayaan AMISOM waxaa uu bilowday April 2018, waxaana lagu wadaa inuu socda ilaa 2021, kolkaas oo lagu wado in AMISOM ay Soomaaliya isaga baxdo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*