June 6, 2020

Magaalada Buurhakaba Oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Mootada Fekon


Maamulka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo mootooyinka loo yaqaan Fekon in lagu dhex wado gudaha degmadaasi.

Kulan ay maanta yeesheen Guddiga Amniga degmada ayaa lagu sheegay in si Kmg ah loo joojiyay in la isticmaalo Mootadda leh labadda lugooda.


Guddiga ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya gudaha degmada Buurhakaba aanay ka shaqeyn karin mootooyinkaasi.

Guddiga ayaa Sababaha loo mamnuucay ku sheegay iney tahay arrimo amni, islamarkaana dhibaatooyin badan lagu geysto.


Sidoo kale Ciidanka Booliska degmada Buurhakaba ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay boqolaal ka mid ah Mootada Fekon ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*