June 6, 2020

Maxkamada Caddaalada Caalamiga oo markale dib u dhigtey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya


Maxkamada Caddaalada Caalamiga ah ee ICJ ayaa goordhow ku dhowaaqday in markale dib loo dhigey dhagaysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo kenya.

 

Qoraal ka soo baxay xarunta maxkamada ee magaalada Hague ayaa lagu shaaciyay sababta dib loogu dhigey dhagaysiga dacwaddan oo hore dhowr jeer dib loogu dhigey.

Maxkamada ayaa sidoo kale waxa ay u dirtey qoraalo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ku macneysay sababaha dib loogu dhigey inay tahay cudurka Coronavirus.

“Dhagaysiga dacwada waxaa dib loogu dhigey sababo la xiriira cudurka safrmarka ah ee Coronavirus waxaana maxkamada ay dhagaysan doontaa 15-ka bisha March 2021ka.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxkamada ayaa hore dhowr jeer dib u dhigtey dacwadan codsiyo ka yimid dowlada Kenya awgeed,waxaana toddobaadkii hore dowlada Kenya ka codsatay in dib loo dhigo dacwadan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ahaa laga soo xigtey inuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan raali ka ahayn markale in dib loo dhigo dacwada balse ay dowladu ku qasban tahay inay raacdo go’aanka maxkamada.

Jadwalka cusub ee dacwadda

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.


Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.


Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*