June 6, 2020

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Kenya oo Muqdisho soo gaaray


Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo degtey diyaarad ay saarnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya kadib markii la joojiyay duulimaadyada dalka imanaya.


Muwaadiniintan soo gaartay Muqdisho ayaa waxaa ay gaarayaan illaa iyo 114 ruux.
Dhammaan dadkan ayaa inta aysan ka soo bixin magaalada Nairobi laga soo baaray cudurka Coronaviruska.


Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa weli ku xayiran magaalooyin badan oo ka mid ah caalamka muwaadiniin Soomaaliyeed.inkastoo aan wali la furin duulimaadyada calamiga ah ee aduunka dacaladiisa isaga kala gooshi jiray.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*