June 6, 2020

QM oo walaac ka muujisay adeegsiga Ciidanka Qaranka loolanka dhinaca siyaasadda


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay Xaaladda Soomaaliya.


Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ay halkaasi ka jeediyeen Khudbad ay kaga hadlaayeen Xaaladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ka waddo gobolka Shabeellaha Hoose ee Al-Shabaab looga saarayo.

Waxa ay sidoo kale soo dhaweeyeen  guulihii ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM ka gaareen howlgaladi Shabeellaha Hoose.


Dhanka kale  ayaa si adag  walaac uga muujiyay in loo Adeegsaday Awooda  Ciidamada Amniga Qaranka Dhinaca  loolanka siyaasadda, gaar ahaan Jubbaland iyo Galmudug. Waxaana ay ku tilmaameen arrin dhibaato ku ah  hanaankii Geedi socodka nabada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*