June 6, 2020

Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Degaan Ka Tirsan G/Gedo


Wararka laga Helayo  degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya  Rag  ka mid ah ururka Al-Shabaab inay weerareen Saldhig ay ciidamo Millateri ah ku lahaayeen degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.


Dagaalkan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa walwal ku beeray dadka rayidka ah ee ku nool degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.
Taliyaha amniga magaalada Buurdhuubo Nuur Kediye Ibraahim ayaa Warbaahinta u sheegay.inay ka hortageen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray ciidamada xoogga maadaama ay markii horeba ciidanku hayeen xogta tilmaamaysa in xubno Shabaab ah kusoo wajahan yihiin.


Dowlada Federalka ayaa ciidamo badan geysey degmooyin ka mid ah gobolka Gedo iyadoo sheegtay inay ciidamadaas ay ka xoreynayaan AL-Shabaab maamul goboleedka Jubbaland. Hase ahaatee ma ahan  ujeedka Ciidanka la geeyay  gedo in ay la dagaalamaan Al shaabaab Waxaa loo geeyay in ay la dagaalamaan Hogaanka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*