June 6, 2020

Maamulka Hir-Shabeelle oo Codsaday Gurmad deg deg ah


Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle,isla markaana dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen.


Sidoo kale Waxaa uu sheegay in degmada Mahadaay iyo degaannada hoostaga ay tahay meelaha ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay,isla markaana dhul beereed farabadan uu baabi’iyay dadkii deganaane ay aadeen deegaano kale.

Dhanka kale  Waxa uu Codsi Dheer u Diray Shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo dadkaasi caawin karta ayuu ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ka barakacay degmada Mahadaay iyo deegaannada kale ee ka tirsan Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.


Deegaano badan oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayuu fatahaad ka sameeyay Wabiga,waxaana uu sababay barakaca boqolaal qoys,kuwaas oo xaalado nolol xumo ay ku heysato deegaano ka tirsan Hir-Shabeelle.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*