June 6, 2020

Xiisadda Masar iyo Itoobiya ee Webiga Nile oo xoogeysatay


Wararka ayaa Sheegaya in uu Sii Xuumaanay Xariirka u Dhaxeeya Dowladaaha Masar Itoobiya ayadoo la sheegay  in  khilaafka ka dhexeeya Uu salka ku haya biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Biyo-xireenkaas ayaa Masar ay u aragto inuu yareyn doono biyaha Masar ay ka hesho webiga Nile, oo bixiya in ka badan 90% biyaha ay cabaan islamarkaana isticmaalaan boqolka milyan ee dalkaas ku nool.


 

Sidoo kale Dowlada Itoobiya ayaa  dooneysa inay koronto ka dhaliso biyo-xireenka Waxaana ay  ku doodeysa inuu muhiim u yahay dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda.

Hase ahaatee Wadahadallo muddo soo socday oo lagu doonayay in khilaafkaasi xal looga gaaro ayaan miro-dhal noqon, waxaana jiray hadallo kulul oo ay dhinacyada is-dhaafsadeen.


 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*