February 23, 2020

Tahniyad Dhalasho Mudane Khalid Xaaji Abubakar Wasuge Iyo Marwadiisa Sahro Shiekh ahmed

February 11, 2020 M.Jo 0

Hambalyo Hambalyo waxaan Hambalyo dhalasho oo qaali ah u diraynaa Mudane Khalid Xaaji Abubakar Wasuge Iyo Marwadiisa Sahro Shiekh Ahmed oo 8-2-2020 Wiil ugu dhashay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Kaas oo loo bixiyay Maahir Khalid Xaaji Abubakar Wasuge waxaana leenahay Maahir soo barbaar oo Noqo kii dalkiisa, diintiisa iyo waliba dadkiisa anfaca waalidkiina baari u noqda inshaa allaah. waxaa Hablayada Diraayo Maama Fadumo Maxamuud Cadoow Dr Mohammed Xaaji Abukar Ubax Haaji Abukar Sadam Xaaji Abukar Muno Xaaji Abukar Raqdo Xaaji Abukar kaltuun Shiekh Cabdi Xamdi Ciise Casha Kenyan Fartuun Muxudiin Abshir cabdi Mahmoud zakariye abdi abdi Abukar cali Abukar Adow Sahro Yuusuf Barow Sacdiyo Cabdi Iyo dad kale oo aad u badan kuwaas oo kala jooga Kenya, Somalia, yurub Iyo marekanka waxay mar labaad hambalyo leeyahiin wiilkaas yare e kusoo biiray Qoyska Reer Xaaji Abukar Waasuge waxayna Illaahay uga rajaynayaan inuu caafimaad iyo wanaag kusoo barbaariyo Inshaa Allaah.

Aabe Ilyaas oo ka hadlay sababta xukunka dilka looga reebay Cabdi Salaan

February 11, 2020 M.Jo 0

Aabaha dhalay Marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa ka hadlay xukunkii dilka ahaa ee saaka lagu fuliyay laba ka mid ahaa Saddex nin oo kiiska dilka gabadhaasi ku eedeysnaa. Aabe Ilyaas ayaa soo dhaweeyay toogashada lagu fuliyey, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukunka la fuliyey uu daawo u noqon doono gabar kasta oo Soomaliyeed, gaar ahaan inaan dumarka lagula kicin kufsi iyo dil. “Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waana ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyey” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan. Aabe Ilyaas ayaa dhinaca kale sheegay in qoyskiisa ay isla garteen in dib loo dhigo muddo 10 cisho ah kiiska Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah ninkii Saddexaad ee ku eedeysnaa arrinta Caa’isha. Maxkamadda waxa ay saaka fulisay oo kaliya dilka laba nin oo kiiskaasi ku eedeysan, halka midka Saddexaadna 10 maalin dib loo dhigay arintaas.

Taliyaha Booliska oo sheegay amniga dalka inuu marayo meel xun

February 11, 2020 M.Jo 0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in amniga dalka lagu soo duuley oo uu gaarey meel xun, isla markaana ay jiraan dad diidan dalka amnigiisa iyo hormarkiisa. Taliyaha Booliska ayaa sheegay muwaadin kasta Somali ah masuuliyad inay ka saaran tahay suggida ammaanka dalka, islamarkaana loo baahan yahay inuu door ka qaato. Waxa uu sheegay heerka amni xumada dalka ay gaartay in la qarxinaayo Kaamirooyinka loogu talo galay suggida ammaanka. Waxa kale uu sheegay Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya in la beegsado Injineerada ku hawlan dhismaha wadooyinka dalka, taasina uy ku tilmaamay inay tahay qayb ka mid ah amnidarada dalka ka jirto. Isaga oo hadalka sii wata Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya ayaa wuxuu tilmaamay xuduudaha dalka inay isku furan yihiin. Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya ayaa wuxuu ka dalbaday Taliyaha inay la socdaan dhaq dhaqaaqa kala duwan ee xuduudaha dalka si amniga loo hubiyo

Ciidamada Booliska Hirshabeelle oo gacanta ku dhigay Aabe wiilkiisa dilay

January 25, 2020 M.Jo 0

Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay gacanta ku soo dhigeen aabihii xalay wiilkiisa ku gowracay mid ka mid ah xaafadaha Jowhar. Taliyaha ayaa sheegay in Cismaan Ibraahim oo wiilkiisa Ibraahim Cismaan Ibraahim xalay fiidkii ku gowracay Laanta Faanoole ee Xaafada Horseed ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada. Waxaa uu sheegay in aabbaha markii uu falka dilka geystay uu goobta ka baxsaday, balse howlgal ciidamada sameeyeen ay suura gashay in la soo qabto. Aabaha dilay wiilka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xooggooda uga xamaasha  magaalada Jowhar, Falkan naxdinta ahaa ayaa dadka deegaanka si weyn uga argagaxeen, waxaana la sheegay aabbaha uu gowracay curadkiisa oo 14 snao jiro ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta uu u dilay.

Wasiirka Ganacsiga Oo Yiri “Waan Kala Dirnay Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir”

January 25, 2020 M.Jo 0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, maalin kaddib markii Ciidamada NISA ay xireen Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenkiisa oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Wareegto ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in kaddib markii magacaabida rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka banaadir ay ka dhalatay xiisad ay wasaaraddu qaaday tallaabo ay ku kala direyso. Inkastoo aanay Wasaaraddu si cad u sheegtay sababta kala diritaanka iyo haddii ay jirto warka ah in magacaabida xubnahaas ay ku lug laheyd Al-Shabaab, hadana wasaaradda ayaa cadeysay in wixii hadda ka dambeeya ay ka wada tashan doonaan rugta ganacsiga soomaaliyeed in la soo magacaabo Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir. Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii warbixin ay baahisay Idaacadda VOA lagu sheegay in Al-Shabaab ay kaalin ku laheyd magacaabidda Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyadoo la wareystay dad kala duwan oo magacyadooda la qariyay.

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la soo saaray Iyo Muran Ka Dhashay

January 21, 2020 M.Jo 0

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ahaa 8-dii xubnood ee iska dhex doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen ayaa waxay goor dhow soo saareen jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa. Jadwalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Guddiga doorashada uu labo garab u kala qeybsamay, waxaana 5 ka mid ah Xubnaha Guddiga oo ahaa Xildhibaanada Ahlusuna ay sheegeen inay ka soo horjeedaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga iyo qaabkii loo maray oo ay ku eedeeyeen faragelin ka timid dowladda Federaalka iyo inay awood u adeegsaneyso doorashada. Shanta Xildhibaan ee matala Ahlusuna ee ku jiray Guddiga doorashada ayaa dhankooda sheegay inay soo saarayana jadwal kale oo doorasho, maadaama ay qaadaceen Guddiga la iska dhex doortay oo ay sheegeen inuu soo magacaabay Guddoomiye Gacal. Kala qeybsanaanta cusub ee soo kala dhex gashay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo habsami u socodka doorashada, haddii ay soo saaraan xubnaha shanta ah jadwal kale. Halkan hoose ka akhriso Jadwalka doorashada:-

Ahlusunna oo ka hortimid Xubnaha Maanta lagu doortey Dhuusamareeb

January 21, 2020 M.Jo 0

Xildhibaanada Ahlusunna ee Ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta sicad uga soo horjeesteen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee Maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb. Kulanka lagu doortey gudoomiyaha iyo Ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaaanka Galmudug & labadiisa kuxigeen,waxaana Maanta kulanka doorashada ka maqnaa Xildhibaannada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug. Wararka aan ka heleyno Dhuusamareeb  waxaa ay sheegayaan in goordhow ay Warbaahinta la hadli doonaan Xildhibaanada Ahlusunna ee ugu jira Baarlamaanka Galmudug ,iyaga oo qaarkood sheegay in dowladda Soomaaliya afduubatey guddiga doorashada Galmudug. Tallaabada ay ku dhaqaaqeen Xildhibaannada Ahlusuna ugu jira Barlamaanka Galmudug ayaa daba socota xilli maalmihii la soo dhaafay ay hogaganka Ahlusunna loolan ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug.

Fanaan Khadar Keeyow Oo Dib u Helay Xorriyadiisa Iyo Xildhibaan Caraboow Oo Kaalin weeyn ka qaatay

January 21, 2020 M.Jo 0

Wararka  ayaa Sheegaya in   Maanta laga sii daayay  Xabsiga Fanaan Khadar Keeyow oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ku xirnaa. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in Khadar Keeyow xorriyadiisii uu dib  u helay, isla markaana sii deyntiisa uu qeyb weyn ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Dhamaan Shacabka Somaliyeed Meelkasto ay dunida ka joogaan.. Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya ayaa gacan ka wayn ka geystay sii daynta fannaanka oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsi ku yaalla Itoobiya. Fanaan Khadar Keeyow ayaa  bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya xili uu ka yimid deegaanada maamulka Soomaaliland. Hase ahaatee lama garan sababta loo qabtay .

Booliska oo sheegay in la helay Gabadhii Amaal Nuur ee maqneyd

January 21, 2020 M.Jo 0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa shaaca ka qaaday in ay heleen Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqnayd hooyo Amran Xayle. Taliyaha ayaa sheegay in gabadhaas la helay islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geystay waxaana uu sheegay in gabdhaas ay gacanta ku haayeen Hay’ad Gabdhaha Xanaaneyso oo Ka howl gasho Magaalada Muqdisho. S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa sheegay in gabdha ay ku jirto gacan amni ah waxa uuna sheegay gabdha in ay tahay 18 jir waxa uuna xisay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed la damqanayeen Xanuunka ay dareemaysay hooyo Amran Xayle. Ciidanka Booliiska ayaa ka dhabeeyey balan qaadkoodii ahaa in ay dadaal xoogan ku bixin doonaan sidii loo heli haa Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqneyd waalidiinteeda.

Qaraxii Ka Dhacay Dhuusamareeb Iyo Warbixino laga Helayo

December 22, 2019 M.Jo 0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah daqiiqado kahor ka dhacay  Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug. Qaraxaas ayaa la sheegay in lagu aasay goob qashinka lagu shubo oo ku dhegan Maqaayad shah laga cabo oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka sare ee Ahlusunna ee Waljameeca. Sidoo kale Waxaa la sheegaya in qaraxaas  uu dhaawac kasoo gaaray saddex ruux oo xiligaas goobta ka Agdhawaa. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka Soomaaliya aya tegay goobta ka dhacay, iyagoona halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ku aadan sida uu qaraxu u dhacay. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saaakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana aad loo adkeeyay amniga Magaalada.

1 2 3 66