Muqdisho ay Ku Soo Badanayaan Dilalka Qorsheeysan Iyo Qaraxyada

January 23, 2019 F.G 0

Kooxo hubeysan ayaa galabta casar gaabadkii nin ganacsade ah ku dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Ganacsadaha la dilay oo magaciisa lagu sheegay Saddaam Maxamed Daahir ayaa rasaas ku furay dabley bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha. Ragga dilka geystay ayaa sida looga bartay ka baxsaday goobta, ciidamada amaanka ayaana gaaray goobtaas, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano. Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ganacsadahan, mana jirto cid sheegatay balse Dillan ayaa noqonaya kii labaad ee manta ka dhacay magaalada Muqdisho. Saaka ayey aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho howlwadeen ka tirsanaa Wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia, iyadoo galabtana qarax ka dhacay agagaaarka isgoyska Km4 ay ku dhaawacmeen afar qof.

Maamulka Puntland ” Ma waxay isu diyaarinaysaa dhoolotus Siyaasadeed Mise Caleema Saar Madaxweyne?

January 23, 2019 F.G 0

Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood waxay 8dii bisha Janaayo 2019 madaxweyne u doorteen Saciid C/llaahi Maxamed Deni shanta sano ee soo socota, wuxuu ku soo baxay doorashadii ugu tartamayaasha badnayd ee Puntland ka dhacday. Dadka ku nool Puntland ayaa inta badan u saarinayey in madaxweynahan cusub ay dabada ka riixayeen koox siyaasiyiin ah oo isku xiran oo la yiraahdo Aran – Jaan, waana koox ka dhisan gudaha Puntland, halka qaar kalena sheegayeen inuu ka tirsan yahay ururka Damu-jadiid oo ah isbahaysi kale oo siyaasadeed oo looga adkaaday doorashadii Soomaaliya ka dhacday Febraayo 2017. . Sida la sheegay maalinta Sabtida 26 Janaayo waxay Puntland qabanaysaa caleemo saar loo samaynayo madaxweynaha cusub, waase madal u muuqata in tahay dhoolo tus siyaasadeed, iyadoo xubnaha mucaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ay inta badan is xijinayaan in Madaxweynahan cusub. Mucaaradka Dowladda Federaalku maxay ka fili karaan madaxweynaha cusub? Qofka marka uu qabto xilka ugu sareeyo gobol ama wadan, magac ahaan waa wax aad u sareeya, marka xaqiiq laga hadlo se waa dhego libaaxa qof la yiri qabo, [Sii aqri]

Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Amar Soo Saartay in Xabsiga Lagu Sii Hayo Muwaadin U Dhashay Ingiriis

January 23, 2019 F.G 0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska. Antony Thomas ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day Qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha Qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishaan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho waxay ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D. Arrintan ayaa sababtay in shirkadda diyaaradaha Ethiopia ay hakiso duulimaadyadii ay ku iman jirtey caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Sharciga Cusub ee Shirkada WhatsApp-ka Oo Saameeyn Ku Yeelanay Ganacsiga Somalida

January 23, 2019 F.G 0

Shirkadda WhatsApp ayaa ka xadideysa dhammaan macaameesheeda inay halkii fariin dadka la wadaagaan in ka badan shan jeer. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagula tacaalayo wararka been-abuurka ah ee lagu baahiyo WhatsApp-ka iyo bogagga kale ee la xiriira oo ay leedahay shirkadda Facebook. Hase ahaatee Facebook ayaa arrintan ka hirgalisay dalka Hinidya lix bilood ka hor. Tallaabadan ayaa loo qaaday ka dib markii ay waddankaas ka dhaceen dhowr fal oo dadweynaha ay ku dileen shakhsiyaad, waxaana soo baxay warar sheegayay in ay falalkaas ka dhasheen warar been abuur ah oo lagu faafiyay WatsApp-ka. Illaa iyo haatan, dadka isticmaaala adeeggan ee ku sugan waddamada kale ayaa isu gudbin karay fariimaha ilaa 20 jeer Sharciyadan cusub ee ay soo kordhisay shirkada WhatsApp ayaa looga dhawaaqay xaflad ka dhacday caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia. ayaa waxaa ka qabsoomaya bisha April ee soo socota doorashooyinka guud. Shirkada WhatsAp ayaa u sheegtay BBC-da in go’aankan ay qaadatay kaddib markii “si taxadar leh” ay u qiimeysay natiijooyinka baaritaan ay ka waday dalkaasi muddo sannad barkiis ah. “Xadiditaankan ayaa si xooggan hoos ugu dhigay fariimaha [Sii aqri]

Dowlad Lagu Eedeeyay In ay Boob Iyo Gumeysi Ku Heeyso Dalalka Afrika

January 23, 2019 F.G 0

Ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha Talyaaniga ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu Afrika gumeysto uuna sabab u yahay qulqulka muhaajiriinta ku soo yaaceysa Yurub Dowlada Faransiiska oo hadaladan aad uga carootay ayaa u yeertay safiirka Talyaaniga u fadhiya caasimadooda Paris. Maalintii Axada, ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga Luigi di Maio, ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inay cunaqabteyno ku soo rogaan Faransiiska sababo la xiriira siyaasadooda Afrika. Waxa uu sheegay in Faransiiska uusan abid joojin gumeysiga tobanaan dowladood oo Afrikan ah. Waxa uu ku eedeeyay in Faransiiska uu ku takrifalayo dhaqaalaha dalal Afrikan ah kuwaasi oo isticmaala lacagaha loo yaqaano CFA franc, oo hoostaga wasaaradda Maaliyada Faransiiska. “Faransiiska waa mid ka mid ah dalalka u daabaca lacagaha 14 dal oo Afrikan ah, taasi oo caqabad ku ah koboca dhaqaalaha wadamadaas, sidoo kalena sababeysa in qaxooti badan ay kasoo cararaan dalalkooda ayna ku dhintaan baddaha ama ay nolol kusoo gaaraan xeebaheena,” ayuu yiri Mr Di Maio. “Haddii dalalka Yurub ay yihiin geesiyaal, waa inay ku dhiiradaan inay ka hortagaan arrinta ah gumeysiga lagu hayo Afrika.” Mr Salvini oo ah ra’iisal [Sii aqri]

Qaar ka Mid Xildhibaanada Hirshabelle Oo Ka Horyimid Wasiirada uu Magacaabay Madaxweyne Waare

January 23, 2019 F.G 0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ay durbadiiba ka horyimaadeen Golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi. Xildhibaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah xildhibaanada ka horyimid Golaha wasiirada ee uu soo dhisay madaxweynaha maamulka hirshabelle  ayaa sheegay Magaacbista Gollaha Wassirada Cusub ee Hirshabelle in ay Tahay Mid Qalad ah. “Waxaa Jiray Guux Siyaasadeed Malmahaan Oo ay Wadeen Qaar ka Mid ah Xildhibaanada In ay Mooshin Ka Keenaan Madaxweeyne Waare Balse Waxa uu Ku Xaliyay in uu Wassiro Ka dhigo Xildhibaanadii Hogaaminayo Mooshinka” Sidoo kale xildhibaan Maxamed Ibraahim ayaa waxaa uu tilmaamay in madaxweynaha uu balanta uga baxay xildhibaanada taasi oo aheyd in wasiirada laga dhigayo dad aan aheyn xildhibaano. Balse Waxa uu Soo Dhisay Golle Wasiiro ay Ku Jiraan  Xildhibaanada Hirshabelle. Si kastaba Ha ahaatee Lama oga waxa iska badeli doono hadalada ka soo yeeray xubnaha qaar ee ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Ciidamada Mamulka Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Miinooyin Ku Jiray Degaano Ka Tirsan Jubada Hoose

January 23, 2019 F.G 0

Wararka laga Helaayo Madaxda Mamulka Jubbalanad ayaa Sheegaya  In ay Howlgalo Ciidan ah ay ka sameeyeen Degaano Hoosyimaada Mamulka Jubbaland ay Gacanta Ku soo dhigeen Miinooyin La doonayay in Ciidanka lagu qarxiyo Balse ay gacanta ku soo dhigeen Sida ay sheegeen, Sarkaal ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkaas ay fashiliyeen miinada oo la doonayay in la qarxiyo,hayeeshee ma uusan shaacin in holwgalka dad ay kusoo qabteen. Sidoo kale Howlgalkaasi  waxaa ay ciidamada amaanka ka sameeyeen deegaanka Qooqaani ee Gobalka Jubada Hoose. Si kastaba Ha ahaate Waxaa maalmahaan degaanada jubbaland ka socday isdiyaarin ciidan Kuwaasi ay sameeynayeen Ciidamada Mamulka Jubbaland ayagoo doonaya in ay kala wareegaan deegaanada ay gacanta ku hayaan alshabaab Waxa la sheegayaa In Ciidamada Jubbaland ay Yihiin Ciidamo Diyaarsan Lana Wareegi Karo Deeganada Ka Maqan,.

FIIRSO:Magacyada Golaha Wasiirada Hirshabeele Oo isku shaandhenta lagu Sameeyay

January 22, 2019 F.G 0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu isku shaandheyn uu ku sameeyay golahiisa Wasiirada, waxaane uuu sidooo kale magacaabay wasiiro cusub. Madaxweyne Waare ayaa waxa uu wasiirada cusub ee uu magacaabay kasoo xulay Baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana xusid mudan in wasiirada la magaacabay iyo kuwa isku shaandheynta lagu sameeyayba aysan ku jirin Haween. Xildhibaanada Wasiirada laga dhigay ayaa ahaa kuwo mucaarad ku ahaa Madaxweyne Waare oo horay Mooshin uga geeyay, balse markii dambe laga laabtay. Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulka ugu fadhiidsan marka loo eego maamulada kale ee dalka, waxaana la sheegaa in Wasiirada aanay xafiis laheyn, isla markaana badankood ku shaqeeyaan Hotelada Muqdisho.  

SAWIR:Dhismayaal Ku yaala Magaalada Muqdisho Oo Saakay La Bur buriyay

January 22, 2019 F.G 0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa saakay bur buriyay dhisamayaal si sharci daro ah looga dhisay dhul dan guud ah, waxaana bur burinta dhismayaashaasi lagu sameenayay goob joog ka ahaa Duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale. Dhismayaal ganacsi iyo kuwa kale oo kuyaala degmada Waabari gaar ahaan waaxda October ayaa saakay maamulka gobolka Banaadir ku sameeyay bur burin, waxaana inta badan dhulka la dhigay dhismayaashii sida sharci darada ahaa halkaasi looga dhisay. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo Warbaahinta kula  hadlay goobta bur burinta ka socotay ayaa sheegay in dhisamayaasha la bur buriyay si sharci daro ah looga dhistay dhul danguud ah. Duqa Muqdisho ayaana digniin u diray dadka sida sharci darada ah ku dhistay dhulka danta guud , waxa uuna sheegay in maamulkiisa la socdo dhulka danta guud ee sharci darada loo dhistay ayna talaabo ka qaadi doonaan dadka dhistay. Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale u bur buriyay dhisamayaal sharci dara ah oo kuyaala degmada Waabari, waxaana xusid mudan in ay jiraan dhismayaal badan oo si sharci daro ah loo [Sii aqri]

Madaxweynaha Zimbabwe Oo Si degdeg ah Dalkiisa ugu Soo laabtay

January 22, 2019 F.G 0

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku marayay qaaradda Yurub xilli dalkiisa ay ka taagan yihiin dibadbaxyo rabshada wato. Wuxuu sheegay in aanan loo dul qaadan doonin qalalaasaha isla markaana dhaleeceeyay sida ay uga falceliyeen booliska iyo militariga xilliggii ay socdeen dibadbaxyada. Mnangagwa ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay xal u helidda dhibaatada dhaqaale iyo dib u heshiisiin qaran. Emmerson Mnangagwa ayaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka arrimaha dhaqaalaha looga hadlayo ee ka furmay magaalada Davos ee dalka Switzerland si uu maalgashi ganacsi ugu raadiyo Zimbabwe. Dowladda waxay sheegtay in mucaaradka ay sare kaca sicirka shidaalka u adeegsanayaan kicinta rabshado. Xisbiga mucaaradka ee MDC ayaa ku eedeeyay dowladda inay tacaddiyo u geysaneyso taageerayaasha mucaaradka. Madaxweyne Mnangagwa ayaa toddobaad ka hor ku dhawaaqay in qiimaha shidaalka sare loo qaadayo arrintaas oo horseeday dibadbaxyo rabshado wata, meelaha sida weyn dhibaatada uga dhacday waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Harare iyo Bulawayo. Dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay rabshadaha balse si [Sii aqri]

1 2 3 484