Qiso Qalbiga taabaneyso: Waxa ay Dhex Martay Nin Iyo Xaaskiisa?
Mudo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markey is guursadeen Axmed iyo Maryam, wax caruur ah iskuma aysan dhalin, habeen habeenada kamid ah ayagoo is ag jiifa ayey sheekeysteen, waxay is weydiiyeen ayagoo cod hoose ku hadlaya sababta ay ilmu u heli la’yihiin, sheekadii ayaa ka dheer dheeratay waxayna isku badashay buuq, ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyey inay dhaqtar barri u tagaan si ay u ogaadeen dhibka dhanka uu kajiro. Ayagoo qofna u sheegin ayey subixii dhaqtarkii aadeen, baaritaankii kadib Axmed ayaa wuxuu u soo galay dhaqtarkii si uu natiijada baaritaanka ugu sheego, dhatarkii wuxuu Axmed tusay natiijadii baaritaanka; taas oo aheyd inuu Axmed caamaad ahaan Fican yahay balse ay Maryam qabto xanuun islamarkaana aysan suurto gal aheyn inay uur qaado, sida uu dhaqtarku sheegay, wuxuuna intaa ku daray in aan rajo laga qabin inay ka bogsato xanuunkaas. Axmed markii uu natiijada arkay wuu murugooday, saas ay tahay hadana wuxuu ku shukriyey Allaah. Dhaqatarkii ayuu u sheegay inuu xaaskiisa u wacayo si ay gudaha u soo gasho, laakiin wuxuu ka codsay inuu dhaqtarku u sheego Maryam in aysan wax xanuun ah qabin dhibkana uu yahay dhankiisa. Dhaqtarkii [Sii aqri]