SAWIRO:Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maant iyo 10 ugu Hadal Heeynta Badan

August 23, 2017 F.G 0

tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maanta oo Arbaco ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay 1-da July waxayna koox kastaaba si hordhac ah ugu dadaaleysaa iney hesho saxiixyo cusub. Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo. Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta . ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay. Hadal heynta maanta waxaa ugu sareeya Sam Clucas kaas oo lala xiriirinayo Swansea City, xidiga Hull City qarka [Sii aqri]

Naadiga Inter Milan Oo Qarka u Saaran in ay La Soo Wareegto Shkodran Mustafi

August 23, 2017 F.G 0

Naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lacadeeyey in ay qarka u saarantahay in ay heshiis lagaarto daafaca dalka jarmalka ee ee u cayaara Arsenal Shkodran Mustafi. Inter Milan ayaa lasheegayaa in ay Xiddigaan ku dooneyso lacag dhan £20M.kadib markii uu boos joogta ah ka waayey Arsenal Waxaana lasheegayaa in uu doonayo inuu katago Naadigiisa. Shkodran Mustafi ayaa Arsenal ku soo biirey Markii ay Valencia kaga soo iibsatay aduun lacageed Gaaraya £35M, balse kuma qanacsana ayaa la leeyahay qaab cayaareedka Macalin Arsene Wnger isaga oo doonaya in uu dib ugu laabto Horyaalya Talyaaniga.

Luke Shaw iyo Ashley Young ayaa Lagu arkaa Mar kale Garoomada kadib markii ay dheeleen kulankii Swansea City

August 23, 2017 F.G 0

Naadiga  kubada Cagta Manchester United ayaa qarka u saaran in ay hesho 2 Cayaaryahan oo muhiim ah isla Markaana mudo dheer dhaawac uga maqnaa kuwaas lagu arkay Garoomada iyaga oo Cayaaraya. Luke Shaw iyo Ashley Young oo u dhashay dalka England ayaa u muuqda kuwo ka soo kabanaya dhaawac ay mudo dheer Garomada uga maqnaayeen waxaana ay Cayaareen Kulankii dhex maray kooxaha Manchester United iyo Swansea City gaar ahaan Cayaartoyda da.ahaan ka hooseysa 23 ka Sano. Macalinka Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Xiddigaha Luke Shaw iyo Ashley Young ay ka soo kabanayaan dhaawicii ay mudada kaga maqnaayeen kooxdiisa isla Markaana ay Goordhow ka mid noqon doonaan Cayaartoyda koowaad ee uu ku doonayo Xiligaan in uu ku qaado koobab badan. Kulanka ay dheeleen labadaan Cayaaryahan ee dhaawaca ka soo laabtay ayaa ku dhamaaday bareejo 1-1 ah Waxayna dheeleen min 70 daqiiqo taas oo muujineysa in ay Caafimaad ahaan soo fiicnaanayaan.

SAWIRO:Maxaa Ka Jiro in Xiddigaha MSN ay Markale Kulmeeyn iyo Neymar uu ku laabtay Barcelona

August 23, 2017 F.G 0

Cayaartoydii xili u wada dheeli jirtey kooxda Barcelona ee magacyadooda loo soo gaabin jirey MSN ayaa markale kulmay tan iyo markii uu kateygay Barcelona Xiddiga dalka Braziil ee Neymar kaas oo ku biirey kooxda PSG. Neymar ayaa laacdeeyey in uu Talaadadii ku laabtay Magaalada Barcelona halkaa oo uu kula kulmay qaar ka mid ah Cayaartoydii ay saaxiibka ahaayeen sida Messi iyo Luis Suarez waxayna Sawir soo dhigeen barta Twitter-ka iyada oo ay farxadi ka muuqato. Sidoo kale daafaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa dhankiisa Sawiro lagalay wiilka 25 Sano jirka ah ee dalka Braziil kaas oo markii uu kategay Barcelona aysan isku wanaagsanayn balse waxa uu cadeeyey in uu dhamaaday dagaalkii Saaxiibkii. Xiddiga dalka Braziil ee Neymar ayaa 4 Sano ku qaatay Barcelona intii uusan lacagtii ugu badanayd ugu wareegin kooxda PSG ee dalka France Waxaana ku soo laabshada Magaalada Barcelona ku soo beegmaysaa Xili Maamulka kooxdiisii hore sheegeen in ay dacwad ku soo oogeen ayana ka doonayaan lacag uu ka qaatay kooxdaas.