Koobka Qaramada Afrika Oo Dhici Doona June iyo July 2019

July 21, 2017 F.G 0

Tartanka kubadda cagta ee koobka Qaramada Afrika ayaa sanadka 2019 ayaa  dhici doona bilaha June iyo July, sida uu xaqiijiyay xiriirka kubadda cagta qaaradda ee CAF. Tartanka ayaa sida caadiga ah la dheelaa bilaha January iyo February, waxaana taasi ay dhibaato ku tahay kooxaha kubadda cagta ee Yurub, maadaama ay ka tagaan ciyaartooy xilligaasi muhiim u ah. Sidoo kale koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2019 ka dhici doona dalka Cameroon ayaa waxaa ka qeyb geli doona 24 dal, halka ay hadda ku tartamaan 16 waddan oo keliya. Isbedalladan ayaa lagu ansixiyay kulan uu gudiga fulinta ee CAF ku yeeshay magaalada Rabat ee dalka Morocco. Kordhinta tirada dalalka ka qeyb galaya koobka Qaramada Afrika ayaa culays ku keeni karta dalka Cameroon, oo u baahan inuu tasiilaad dheeri ah u helo martigelinta tartankaasi. CAF ayaa sidoo kale tixgelisay in tartanka ay ka qeyb qaataan dalal aan qaaradda ka tirsanayn, amaba ay martigelin karaan koobka Qaramada Afrika, balse go’aan lagama gaarin arinkaasi.

Lukaku oo gooshii u horraysay u dhaliyay Manchester United

July 18, 2017 F.G 0

Romelu Lukaku ayaa gooshii u horraysay u dhaliyay Manchester United iyadoo kooxda uu tababaro Jose Mourinho ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Real Salt Lake oo ay ciyaar saaxiibtinimo ku dhex martay  Ciyaaryahankan 24 jirka ah oo 75 milyan oo gini laga soo siistay kooxda Everton ayaa goosha guusha dhaliyay iyadoo ay toddobo daqiiqo ka dhiman tahay qaybtii koowaad ee ciyaarta, iyadoo goosha koowaadna ee barbarahana uu dhaliyay Henrikh Mkhitaryan. Intaas ka dib Juan Mata ayaa ka dhaawacmay kooxda Manchester United halka uu kaarka casna ka qaatay Antonio Valencia. “Goosha Lukaku isagay u wanaagsan tahay, laakiin aniga muhiim iima aha ayuu yiri,” Mourinho. “Waan u sheegay in aan jeclahay waxa uu sameeyo. Dadka ayuu caawiyaa, dhaqdhaqaaq ayuu sameeyaa, kubaddana si wanaagsan ayuu u haystaa. Waxkaste oo uu sameeyo waan jeclahay.” ayuu intaas sii raaciyay Mourinho.

Dad ku dhintay rabshado ka dhacay garoon kubadeed oo ku yaal Senegal

July 16, 2017 F.G 0

Wararka ka imanaya dalka Senegal ayaa sheegaya in sideed qof ku dhinteen sagaal iyo afartan kalena ku dhaawacmeen dagaal dhex maray taageerayaal kooxaha kubadda cagta ah oo ciyaari ku wada ciyaarayey caasimadda dalkaas ee Dakar. Wakaaladda wararka dalkaa ee (APS) ayaa sheegtay in taageerayaasha labada kooxood ay isku dhaceen kaddib markii ay dhammaatay cayaar ka scotay garoonka Demba Diop. Booliiska ayaa dadkaas ku kala dareeriyey qiiqa dadka ka ilmeysiiya, kaddibna gidaar ayaa soo dumay dad badan oo doonayey in ay ka baxaan garoonka. Dad badan ayaa ku dhaawacmay mashaqadaa. Dhacdadadan ayaa dhacday iyadoo uu socdo wareegii ugu dambeeyey tartanka koobka heerka koobaad ee dalka Senegal, waxanay ciyaarta kama dambaysta ahi dhex maraysay labada kooxood ee la kala yiraa Stade de Mbour iyo Union Sportive Ouakam. Iyadoo ay labada kooxood kala marayaan 1-1 sagaashankii daqiiqo ee ciyaartu ku dhamaatay ayaa kooxda Stade de Mbour dhalisay gool wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta waxaanay ku badisay 2-1, waxaana isla markiiba bilaabmay rabashaddaa dadka galaafatay.

Orodyahano soomaaliyeed oo ka qeyb ka qeyb qaatay ciyaaro ka dhacay Göteborg

July 15, 2017 F.G 0

Magaaladda Göteborg ee caasimadda seddexaad ee dalkaan Iswiidhan, ayaa shalay marqiribkii waxaa lugu qabtay tartan ciyaaro fudud oo heer caalami ah. Ciyaarahan oo loogu magac darray Göteborgs Grand Prix oo sanad kasta lugu qabto magaaladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay ciyaarahano kala duwan oo qeybaha ciyaaraha fudud ka kooban yihiin ciyaaraha. Dhalinyarro soomaaliyeed oo dalal kala duwan u ciyaarayey ayaa tartankan ka qeyb qaadanayey. Suldaan Xassan waa orodyahan soomaaliyeed oo u dheela dalka Iswiidhan wuxuu ku ordaa seddexda iyo shanta kun miter. Halka uu isna garoonka ciyaaraha ka socdeen  geestiisa ku sugnaa Maxamed Cali oo ku ordka  seddexda iyo shanta kun, inkastoo ciyaartii shalay ee labadda orodyahan ordayyeen aheyd 3000 mitir. Saacadu kolkeey aheyd toddobaddii fiidnimo ayey Maxamed iyo Suldaan bilaabeen orodkoodii ay ku doonayeen in nin walba kaalinta koowaad galaan. Haase ahaatee nasiibku uu ka hiiliyey labadda ordyahan oo kala galay kaalimaha afaraad iyo shanaaad. Inkastoo ciyaartii shalay aheyd mid caalami ah oo dalal badani ka soo qeyb galeen, ayey mar ay labadda orodyahan ay la hadleen shabakadda ceelbarafonline.com waxaa ay sheegeen in kaalamiha ay kala galeen [Sii aqri]

SAWIRO:Xaguu Ku Dambeeyay Ciyaryahankii Reer Senigal El Hadji Diouf

June 26, 2017 F.G 0

El Hadji Diouf halyay ayuu ka yahay Senegal. Meelkaste oo uu istaagana waxaa ku soo xooma taageereyaal isugu jira dhallinyaro iyo waayeel. Dadkiisa ayaa wali abaal uga haya siddii wanaagsanayd ee uu uga soo dhalaalay intii uu socday Koobkii Adduunka ee 2002dii lagu qabtay Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Laakiin England markay timaado waxaa lagu xasuustaa dabeecadihiisii layaabka lahaa si ka badan sida loogu xasuusto xirfaddiisii kubadda. Sifadaas ayaa la socotay intii uu u ciyaarayay kooxaha Ingiriiska isaga oo u soo saftay Liverpool, Blackburn Rovers, Bolton Wanderers iyo Rangers. Diouf ayaa marar badan isku taagi jiray garsooreyaasha iyo ciyaartoyda ay is hayaanba. Laakiin hadda ciyaarihii wuu ka fariistay, waayihiisii ayuuna nooga sheekaynayaa ‘Guuldarrada kuma fiicni’ “Libaax ayaan ahay, guuldarrada waan ku xumahay taasina khalad ma aha,” ayuu yiri Diouf oo ka hadlaya qalqaalinimadiisii ciyaaraha. “Sumcad ayaan leeyahay waxaana doonayaa in ay dadku i ixtiraamaan. Diouf oo dib ugu laabtay magaalad Dakar ee caasimadda u ah dalka Senegal ayaa sheegay in markasta si khalad ah loo fahmi jiray markii uu ka ciyaari jiray England. Wuxuu yiri “way [Sii aqri]

SAWIRO:Kooxda Mogadishu City Oo Kaalinta 3aad Ka Gashay Tartankii K/Koleyga ee Zone 5aad

June 21, 2017 F.G 0

Ciyaartooy iyo tababarayaal Soomaaliyeed oo ka qaybgalay ciyaarahii magaalooyinka ee dhawaan lagu soo gabgabeeyay Magaaladda Nairobi ayaa shalay ka soo dagay magaaladda Minneapolis ee Dalka Mareeykanka iyadoo ciyaartooyda ku ciyaaraysay magaca caasimada Muqdisho ay ka kala yimaadeen Magaaladda Muqdisho Toronto iyo Minneapolis. Tartanka ciyaaraha intercity ga oo si wacan uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la soo gaba gabeeyay , iyadoo ay halkaasi ku tartamayeen lix magaalo oo ka kala socday zone ka 5aad ee Afrika oo kala ahaa: Nairobi Morans (Kenya), Mogadishu City (Somalia), Mombasa Sharks(Kenya), Jubba Bright Stars (South Sudan), Kambala city (Uganda) iyo Darusalam city oo ka socotay (Tanzania). Tartanka oo isagu ahaaa mid aad u xiiso badan, ayaa waxaa indhaha taageerayaasha aad u soo jiitay kooxdii ku cayaaraysay magaca Mogadishu City (Somalia) oo iyagu ahaa dhallinyaro ay da’doodu  aad u yar yarayd  hase yeeshee aad ay u heer sarreysay xirfaddooda  ciyaareed. Dhallinyaradan ayaa badankooda  ka tagay gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka si ay u difaacaan calankooda, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen cayaaro aad iyo aad u soo jiitay [Sii aqri]

Kooxda Liverpool ayaa Aaminsan in ay Gacanta Ku Soo Dhigtay Mohamed Salah

June 19, 2017 F.G 0

KooxdaLiverpool ayaa aaminsan inay ugu dambeyn gacanta kusoo dhigtay garabka kooxda AS Roma Mohamed Salah ka dib markii ay ka gudbisay dalab 35 milyan oo ginni ah, sida laga soo xigtay majaladda Daily Mirror ee dalka Ingiriiska. Xiddiga u dhashay dalka Masar ayaa wuxuu ka mid yahay saxiixyada xagaagaan diiradda u saaran tababare Jurgen Klopp, labada kooxood Reds iyo Roma ayaana ku jiray wadahadallo heshiiskiisa la xiriira. Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 19 gool u dhaliyey kooxdiisa Roma, waxaana la fahamsan yahay inuu isha ku haayo inuu usoo dhaqaaqo kooxda ka dhisan Anfield Road oo bishii Janaayo 2014kii ku dhowaatay saxiixiisa ka hor inta uusan ku biirin Chelsea. Salah ayaa ka tegay kooxda ka hdisan Stamford Bridge isagoo heshiis amaah ah kula biiray Fiorentina ka dib markii uu la qabsan waayey Chelsea, ka dibna wuxuu amaah ku aaday Roma oo markii dambe si joogto ah u iibsatay. Haatan Salah wuxuu isha ku hayaa inuu kusoo laabto horyaalka England Premier League oo uu sheegay inay ka taallo shaqo aan dhammaan, Liverpool ayaana aaminsan inay [Sii aqri]

Kooxda Muqdisho Oo Xalay Ku Tumatay Kooxda Jubba Konfurta Sudan

June 14, 2017 F.G 0

Tartanka Kubadda Kolayga ee Magaalooyinka Afrika kana socda Magalada Nairobi ayaa xalay waxaa is arkay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo Magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Suudaan. Ciyaarta oo ay inta badan maamuleysay ayaa xulkii ku ciyaarayay Magaalada Muqdisho waxaa ay dhigooda Jubba ugu awood sheegteen, 87 Dhibcood oo ay Kooxda Muqdisho la timid iyo 68  Dhibcood oo ay la timid Koxda Jubba Suudaan. Kooxda Muqdisho waxaa ay horay Habeen hore u soo garaacday Magaalada Mombasa ee Xeebta Dalka Kenya,waxaana ay Ku soo Garaacday 83 iyo 63,waxaa ay Magaalada Muqdisho hadda iska Soo xaadirisay Sami-finalka tartanka Magaalooyinka Afrika ee kubadda Kolayga. Sido kale Kooxda Ku Cayaareeyso Muqdisho ayaa La sheegayaa in sanadkan ay Yihiin Ciyaartooy aad u Wanaagsan Oo xirfaddooda ay aad u sarreyso,waxaana laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa Lagu Soo eedeeyay canshuur bixin la aan

June 13, 2017 F.G 0

Dacwad oogeyaal reer Spain ah ayaa ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ku eedeeyay in uu dawladda ka khayaanay canshuuro gaaraya malaayiin doolar. Xafiiska dacwad oogeyaasha ee magaalada Madrid ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan ah ciyaaryahanka reer Boortaqiis. Waxaa lagu eedeeyay in uusan bixinin 16 milyan oo doolar oo canshuur ah intii u dhaxaysay 2011kii ilaa 2014kii. Ciyaaryahannka lacagta ugu badan lasiiyo ayaa horay u sheegay in uusan ka cabsiqabin baaritaannada la xiriira canshuuraha maadaama oo aysan jirin wax uu qarinayo. Hadda waxaa lagu eedaynayaa in uu si ula kac ah u adeegsaday “qaab ganacsi” si uu u qariyo dhaqaalaha ka soo gala xuquuqda sawirradiisa. Macluumaad la Tusiyay bishii Desembar ee sannadkii hore ayaa tilmaamaya in Ronaldo uusan canshuuro ka bixinin lacago soo galay oo la sheegay in ay yaalaan meel Spain ka baxsan. Sidoo kale Wuu diiday eedaymahaas.Markii weriye ka tirsan Radio Television Portuguesa uu waydiiyay baaritaankan lagu hayo wuxuu ku jawaabay Wax Cadeeyn ah Majiraan

Naadiga Real Madrid Oo Xalay Ku Garaacday 4-1 Naadiga Juventuus

June 4, 2017 F.G 0

Cayaartan oo aheyd mid siweyn loo wadda sugayay ayeey Naadiga  Real Madrid xaqiiqsatay guusha Champions League lugtii ugu danbeysay kaddib markii 4-1 ay ku garaacday Naadiga  Juventus. Cayaaryahanka Cristiano Ronaldo ayaa daiiqaddii 20-aad ka dhaliyay Naadiga Juventus goolkii ugu horeeyay, hasse ahaatee wax yar uun kaddib daqiiqadii 27 waxaa gool aad u qurux badan ka dhaliyay kooxda Real Madrid Mario Mandzukic oo kubad uu siwanaagsan u qaabeystay ku hubsaday goolka Naadiga Real Madrid. Markii leysugu soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta waxaa goolkii 2aad u dhaliyay Naadiga Real Madrid cayaaryahan Casemiro, halka Cristiano Ronaldo uu dhaliyay goolka saddexaad oo noqonaya goolkiisii labaad cayaarta, waxaase rajadii Naadiga Juventus baabi’iyay Marco Asensio oo badal ku soo gallay kaa oo daqiiqadihii dhamaadka dhaliyay goolka 4aad ee Real Madrid ay ku badisay. Ugu danbayn Cayaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay Real Madrid ku dubatay Juventus isla markaana ay taariikh cusub ugu abuurtay Naadiga Yurub iyada oo noqotay Naadigii ugu horaysay ee difaacatay koobka UEFA Champions Leaque-ga intii qaabka hadda yahay loo dhigay horaantii sagaashamaadkii. Inkastoo guushan Real Madrid ay u noqoneyso mid muhiim u aheyd, [Sii aqri]

1 2 3 28