Qiso:Xanun Badan Oo Ka Timid Wiil Yar Oo Waxbarasho Jecel Oo Ku Nool Degmada Biya-Cade!!!!

May 21, 2017 F.G 0

  Waa Sheeko Dhex Martay Aniga iyo Mid ka Mid Caruurta Ku Nool Degmada Biyo Cade Ee Gobolka sh/dhexe Maxamed  Waa Wiill 12sano jir ah Waxan Kula Kulmay Gudaha Magalada Biya Cade Oo Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Dhexe Waxaana in Dhexmartay sheekadan, Maxamed: side tahay? aad ayan u wanaagsanahay iskuul Ma Dhigataa ? Maxamed :Maya Ma Dhigto Maku Faraxsantahay in Degmada Biyo Cade in aad Ku Noolaato Oo aad Wax ka barato adigoo waallidkaa la joogo? Maxamed:Haa Lakin Ma arko Maxa yeelay iskuul Malahan Wax Lagu Barto Waxaan Rabnaa in aan Ka Guurno Magalada Biya Cade Sabab Maxaa uga Guureeysaan Waa Magaladii aad Ku Dhalatay? Maxamed:Waxa aan uga Gureeynaa Malahan iskuul Wax Lagu Barto Maxa ku Diidantahay in aad halkan Wax ku barato Dad Waaweyn Oo Magac ku leh Somaliya ayaabe Wax Ka Bartay Sida ay sheegayaan Dadkii Aqyaarta ahaa ee Deganaa Magalada Biyo Cade? Maxamed: Dadkaasi Maalintii ay ka baxen ayaa Ugu Danbeysay iskuulka Waa Burbursan yahay Laakin Maxay Wax ugu qabani Waayeen, Mida Kale Xitaa Rajo Nooma Mujiyaan in ay Mar Dhaw Furi [Sii aqri]

Madaxweyne Trump Oo Weli Ku adkaysanaya in aan FBI-du Baaritaan ku hayn

May 12, 2017 F.G 0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa carrabka ku adkeeyey in aan wax baaritaan ahi ku soconin, waxaana  dhaliisha loogu soo jeediyey xilka qaadistii agaasimaha FBI-da ee uu shaqada ka fadhiisiyey ku tilmaamay mid ay kuwa dhaliilayaa dadka isku tusayaan. Waraysi uu Trump siiyey Telefishanka NBC ayuu ku sheegay in uu keligii go’aan ku gaaray in uu xilka ka qaado James Comey. Comey wuxu waday baaritaan lagu hayey eedaymo la sheegay in Ruushku si u faro geliyey doorashadii Maraykanka, suurto galna ay noqon karto in ay arintaa ka wada shaqayeen saraakiil ka tirsanaa xafiiskii ololaha Trump iyo Ruushka Trump baaritaankaa Lugta ayuu ku dhuftay waxaanu ku tilmaamay eedahaa la sheegay kuwo aan sal iyo baar toona lahayn. Waraysigan Trump uu siiyey Telefishanka NBC oo ah kii u horeeyey ee uu bixiyo tan iyo intii uu xilka ka qaaday agaasimihii FBI-da, ayaa wuxu ku sheegay in uu intii aanu xilka ka qaadin Comey waydiiyey in baaritaan isaga lagu hayo iyo in kale waxaanu iigu jawaabay wax baaritaan ah laguguma hayo”.

Qiso Dhab ah “Weligaa Cidna Ha Dulmin “

May 10, 2017 F.G 0

Weligaa cidna ha dulmin qiso dhab ah Waxa ay qisadan ka dhacday wadanka ingiriiska.Waxa ay ahayd xaliimo gabadh aad u qurux badan isla markaana Ilahay cabsidiisu ay ku wayn tahay, aadna ugu xiran.Waxa ay soo gashay wadanka ingiriiska iyada oo dhalin yaro ah, waxa ay markiiba bilawday inay waxbarasho gasho oo ay luqada ingiriiska barato.Waxay waxbarashada luqada ingiriiska wada dhigan jireen axmed cadde, oo ahaa wiil aad u qurux badanaa, hooyadii iyo aabihii iyo reerkooda oo dhanina ay degan yihiin dalka ingiriiska.Waxa uu ka waynaa Xaliimo shan sano.Sheeko jacayl ah ayaa dhexmartay, waxayna ku heshiiyeen inay is guursadaan . Si degdeg ah ah ayaa arooskoodii u dhacay, waxayna xaliimo u dhashay wiil iyo gabadh. Runtii sanadihii hore ee noloshoodu aad ayay u fiicanayd, oo wax dhibaato ah ma dhexmarin.Gabadhoodii markii ay jirtay 3 sano ayaa waxaa ku soo baxay xanuun murqaha ku dhaca oo gabadhii yarayd curyaamiyay, isla muddo yar ka dibna waxaa isla xanuunkii ku dhacay xaliimo, oo aad ugu rafaaday. Axmed markii hore wuu la wadaagay dhibatada, laakiin xanuunkii xaliimo iyo gabadheedaba wuu [Sii aqri]

Dhabar Xanuunka Oo Noqday Cudurka Dunida Loogu Cabashada Badan Yahay, Sababta Keenta Iyo Taladiisa.

April 18, 2017 F.G 0

Xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa mar kale ku celiyey digniintoodii ay ku sheegayeen khatarta dhabar xanuunka, waxa aanay bukaanka iyo dhakhaatiirta la tacaalaba dhabar xanuunkaba kula dardaarmeen in aan la yareeysan xaaladdan. Koox xeeldheerayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka ayaa tiro­koob dhabar xanuunka la xiriirha oo ay ka sameeyeen 200 oo dal oo dunida ah, waxa ay ku ogaadeen in dhabarka qaybtiisa hoose ee xanuunsataa ay tahay waxa ugu badan ee dhammaan dadka dunidu si aad ah uga cabanayaan waqtigan la joogo, xanuunka labaad ee loogu cabasho badan yahay dunida ayaa noqday Dhabr xanuunka, waxa aanay xeeldheerayaashu sheegeen in sahamintan ay ku ogaadeen in labadan xanuun ay xitaa mararka qaarkood ka kaar badan yihiin wadne xanuunka iyo cudurka duumada. Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in dhabar xanuunku uu mararka qaarkood dadka hayo sannado badan oo aanay dawadu waxba ku tarin. Arrinta ka sii daran waa in dhabar xanuunku aanu  ku koobnayn  Da” Balse uu si isku mid ah ugu faafay da’aha kala duwan ee dadka dunida oo ay ku jriaan dhalinyarada weli aadka u [Sii aqri]

Qiso Cajiib Ah :Ninkii Muslimka Ahaa Iyo Yahuudigii Ka Adeegtay Dukaankiisa Maxa Kal Dhex Maray

January 25, 2017 F.G 0

Nin ka mid ahi dadkii hore wanaagsan oo lahaa dukaan dharka iyo badeecadaha lagu iibiyo aya shaqaalihiisa kula dardaarmay in aanay qofna ka iibin shay cillad leh ilaa ay u sheegaan haduu ku qaadanayo. Maalin ayuu u yimi nin Yuhuudi aha shaqaalihi, waxayna ka iibiyeen alaabo ay ku ogaayeen inay cillad leedahay. Waxay yiraahdeen waa Yuhuudi safar ah waxba uma sheegayno ceebta alaabada. Waxayna ka qaadeen 3 kun Dirham. Markii ninkii dukaanka laha weydiiyay alaabadii cillada lahayd, waxay u sheegeen inay ka iibiyeen nin Yuhuudi ah oo safar ah. Waxa uu weydiiyay ma u sheegteen? Waxayna ku yiradeen maya. Sabab Maxaa ugu Sheegi weeydeen ? Waxay ugu Jawabeen waa yahuudi Safar ah Ninka dukaanka lahaa ayaa lacagtii qaaday waxaana uu raacay safar kale sii uu ninkii Yuhuudiga ah lacagtiisa ugu geeyo, alaabtana ka soo qaado. Markii uu ka daba tagay deegaankii uu Deganaa  ayuu ku yiri walaal  lacagtaadii waa tan 3 kun Dirham , keen alaabdii waxay ahayd mid aan wanaagsanayne. Ninkii Yuhuudiga ahaa  aya yaabay oo ku yiri maxaa kugu kelifay safarkan intan leeg [Sii aqri]

Qiso Dhab Ah Oo ilimada ayay indhaha ku Soo joogsdeen ” Wiil Aabihiis Ka Diiday Inu La Heshiiyo

January 16, 2017 F.G 0

Alxamdulilah marka hore,kadib,waxaan jecleeystay inan idiinla wadaago barnaamij uu soo daayay TV-ga Al-jadiid ee laga leeyahay dalka lubnaan. Xalay oo aheyd habeen ay salaaso soo galeysay,abaarihii 10:30 fiidnimo ayaa waxan saacad daawanaya Barnaamijka [Al- Tasaamuxul-Kariim] oo ah barnaamij lagu heshiisiinayo dadka colaada ay dhexmartay ee kala fogaaday ee hadana ehelka ah. Barnaamijka dad badan baa lagu heshiisiiyay iyadoo weriyaha daadihinayay uu ahaa nin oday ah oo ay ka muuqatay dulqaad iyo daacadnimo iyo jaceyl uu u qabay inuu isku soo-jiido dadkaa sheeydaanku kala fogeeyay. Laakiin aniga waxaa si gaar ah iisoo jiitay oo aan la ilmeeyay Qisada uu ka waramay Oday Masri ah oo magaciisa ku sheegay Fatxi oo isaga ka cabanayay Inankiisa Curad oo uu ku sheegay magaciisa Amiir. Odaygii Fatxi wuxuu hadalkiisa uu ku bilaabay; Waxaan ka cabanayaa oo Guriga ay ku noolyihiin xaaskayga iyo caruurteyda ii-diiday inaan-galo oo aan la noolaado inankeyga Curad oo la yiraahdo Amiir] waxaa la weeydiiyay sababta wuxuu yiri [Iyagoo yar yar baan ka tegay Masar, waxaanan iibsaday gurigeeygii oo ay caruurtu galeyeen, Duruuf baana igu keliftay, iyagoon [Sii aqri]

Gabay:Baarlaam aan Run aqoon iyo Shicibkuna Waysla Raftaan iyo Dalaal Suuq Ku Raagay Xariggu La Raftaa

January 12, 2017 F.G 0

Mid ka mid ah Dhalin yarada Somaliyeed Oo ku Cabiraayo Murtidisa Xalada ay qofkaso La Rafanaeeyso Ama ay Ku Wareersan tahay Geraar laabteeyda Ku Raagay Oo Calooshayda Raftay Oo Dadka Ruuxii Maqlaa uu qosol La rafanaayo Rax Bal aan kaga Siiyo ee Ruux walboow Dhageeyso Raha Haduu Biyo Waayo dhoobaduu Ku raftaa Inankaan la Tarbiyeenin  Edebtuu  ku Raftaa Reer Magaal Gaboobay Haday ruux Murmayaan Walaahiduu Ku Raftaa Dalaal Suuq Ku Raagay Xariggu La Raftaa Nin Jaad Ruuga uu   Aastayna Marqaankuu la Raftaa Ruux Haduu ilko waayana Hilibkuu la Raftaa Ramad Geela Nin Maalay Qibrad Buu la Raftaa Rubbiyad aan Sarifneeni   Kiishadday Rafataa Diyaarada Riin Ka Xumaaday Samaday Rafataa Roob Magaalo Ku Hooray Ramaas Soo Bixin Mayee Lamiguu Ku Raftaa Naag Maseer Ku Raagayna  Rugta Sooma Gashee   Qol-Qolkay Rafataa Inanta Roorta Duleedkee  Reerkeedii iman weeydey ilmuun Baa ku Raftee Askarigii Tuug Eryaayana Serriguu la Raftaa Baarlaam aan Run aqoon iyo Shicibkuna Waa isla Raftaan Wa Soo Diyaariyay Ceelbarafonline.com

Sheeko Xiiso Badan:- Muxuu Sameeyay Ninkii Safarka Ahaa ee La Kulmay Dadkii Saboolka Ahaa..

December 20, 2016 F.G 0

  Goor Maqribnimo ay tahay ayaa waxaa yimid Nin reer Miyi ah oo Sita tiro 50geel ah, Tuulo yar oo ay Deggen yihiin Dad aad Sabool u ah, Rabana iney Dhameystirtaan Masjid Qabyo ka ahaa, mudana Qarash loo weysnaa. Salaadii Maqrib markii la Tukaday oo Ninkii 50ka geela lahaana uu Tuuladii yareed kula Tukadey Ragii Magaalada daganaa, ayaa waxaa Makroofankii qabsadey oo Muxaadaro Cajiiba ka jeediyey Wadaad Tuulada Diinta Bari jiray, Hawlaha Masjidkana u Xilsaarnaa Walwalna ayku haysey sidii Masaajidka loo dhameeystiri lahaa ayaa wuxuu Qudbadiisii kusoo daray Qofkii Alle dartii wax ula baxa Alle wuu u Laba laabaa wixii uu Qofku bixiyey, wixii uu bixiyeyna Bedelkeed ayuu ugu kordhiyaa, (Hadaad 5 la baxdo Alle 10 buu kaaga dhigaa, 1000 hadaad bixiso 2000 buu kaaga dhigaa), Ninkii 50ka geela watey oo ahaa Nin iimaankiisu iska fiican yahay ayaa waxaa galay Damac ah Kaalay 50kaan geela ee aad wadato maad Masjidka siisid haku dhistaan iyaga, Adigana Rabbi wuu kuu Labo laabi doonaa, wuxuu Alle kaaga dhigi doonaa 50kaan Geela 100 Geel. Ninkii baa Hadalay oo yiri:- [Sii aqri]

Qiso Aad Iyo Aad Cajiib U Ah Oo Dhex Martay Nabi Ibraahiim Cs Iyo Inankiisii Nabi Ismaaciil Cs..

August 6, 2016 F.G 0

Nabiyullaahi Ibraahim NNKH ayaa Maalin maalmaha ka mid ah Booqday Guriga Nabi ismaaciil oo ahaa wiilkiisii. dabadeed wuxuu guriga kula kulmay Gabadhii Inankiisa ee uu sodoga u ahaa oo aanu horay u arag Markii uu salaamay kaddib, waxa uu ka waraystay axwaashooda guud iyo tan gaar ahaaneed ee qoyska, isagoo waydiiyay meesha uu ku maqanyahay Ismaaciil. Gabadhii way u warantay oo waxay u sheegtay inay Duruufo adag oo xaga nolosha ah ku jiraan oo uu Saygeedu waa Nabi Ismaaciil Nabad-gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee aanu waxba ugu jilnayn la tacaalida xaaladaha qoysku ku jiro. “wuu sii socdaa waanu soo socdaa waxna ma soo kordhinayo, iminkana wuu maqanyahay meel uu jirana garan mayno”ayay ku tidhi. Intaas markay u sheegtay ayuu Nabi Ibraahim NNKH ku yidhi markuu yimaado waxaad ku tidhaahdaa Catabadda ama Xatabada ama aqlka albakisa Guriga bedel. Ismaaciil ayaa markii uu yimi ay u warantay Gabadhiisii oo ay ku tidhi ninbaa ii yimi oo markii aanu iswaraysanay wuxuu igu yiri “waxaad ku tiraahdaa Ninkaagu marka uu yimaado, Xatabada Guriga bedel”!ama aqlka albaakisa bedel . [Sii aqri]

1 2