Muxuu Ka Sheegay Dalka Itoobiya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

February 21, 2018 F.G 0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr, Workneh Gebeyehu ayaa difaacay xukunka degdega ee lagu soo rogay dalka, maalin kadib markii uu is casilay Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn. Dr. Workneh ayaa sheegay in aanay jirin walwal dhanka ammaanka ah oo ka jira dalka, iyadoo dowladda ay todobaadkii hore soo rogtay xukun degdeg oo socon doona muddo lix bilood ah. Waxaa uu sheegay in sababaha loo soo rogay xukunka degdega ay tahay in lagu soo celiyo xasiloonida, iyadoo ay jireen banaan baxyo iyo rabshado qatar geliyay ammaanka iyo xasiloonida dalka. Dr. Workneh ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa diblomaasiyiinta reer galbeedka, kuwaasoo walaac ka muujiyay xukunka degdega ee la geliyay dalka. Xukunka degdega ee la soo rogay ayaa waxay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqii ganacsiga, iskuulada waqooyiga Itoobiya, halkaasoo la hor-istaagay dibad baxyo ay sameyn rabeen dadweyne ka soo horjeeday xaalada degdega ah.   Sidoo kale 180 xubnood oo ka tirsan Xisbiga talada haya EPRDF ayaa shir yeelan doona, si ay u doortaan Hoggaamiyaha Xisbiga oo si toos u noqon doona Ra’iisul Wasaaraha dalka. Baarlamaanka Itoobiya oo fasax ku maqan [Sii aqri]

Guddoomiye Degmo Oo Xilka Laga Qaaday iyo Guddomiyahii Bedeli lahaa Oo Aan La Magacaabin

February 21, 2018 F.G 0

Wasiirka Arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa soo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe Cabdullaahi Maxamed Xuseen  ( Geeldoox ). Wareegtada oo soo baxday shalay oo ay taariikhdu ahayd 20/2/2018 ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiye Geeldoox, iyadoo aan degmada Guddoomiye kale loo magacaabin. Xil ka qaadista ayaa lagu sababeeyay xil gudasho la`aan iyo inuu muddo dhowr billood ah degmada ka maqnaa, waxaana laamaha amniga Hirshabeelle lagu wargeliyay in xiligaan wixii ka dambeeya uusan masuul ahayn.  Dhinaca kale Guddomiyaha Xilka Laga Qaaday ayaa Sheegay in uu ka shaqqeyn waayay Ciidamo Mileteri ah Oo Xoog Ku Dul Dagay Xarumahii Degmada Balse uu Dacwad Cabasho ah u Gudbinay Talisyadii laga Xakumayay iyo Mamulka Hirshabelle ,Wax Jawaab ah Kama Helin,  Asigoo  Sheegay in Degmada Mahadaay ay ka jiran Dhibaatooyin Dhinaca Biyaha ah Waxaa la Joogaa Waqtigii uu Wabiga Guray Waxaana Ka Dhalan Kara Cuduro Sida Shuban Biyoodka ,Mana Jiraan Goob Loogu Adeego Shacabka Waayo Xarumihii Loogu Adeegi Lahaa Shacabka Waxaa Xoog Ku Heeysta Ciidamo Militeri ah ,Marka [Sii aqri]

Dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo Doolar oo lagu qabtay aroon ku yaalla Nairobi

February 21, 2018 F.G 0

Nin u dhashay dalka Tanzaniya ayaa lagu xiray dalka Kenya ka hor inta uusan korin diyaarad ku sii jeeday magaalada Dubai. Ninkan ayaa waxaa lagu qabtay dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo doolar. Ninkan Tanzaaniyaanka ah oo 46 jirka ah ayaa markii la xirayay waxa uu siday 32 kg oo ah dahabkan qiimaha badan. Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa ninkan ku qabtay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi jimcihii. Laamaha dowladda ayaa sheegay in tillaabadan ay qaadeen ka dib markii ay heleen macluumaad arrintan ku saabsan. Sida uu qoray wargayska Standard ninkani ayaa ka yimid degaanka Mwanza isaga oo soo maray Kilimanjaro. Sidoo kale Booliiska Kenya ayaa imika wada baaritaan arrintan ku la xiriira.

Guddiyada Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka Oo Sharci Dara Ku Tilmaamay Canshuurta iibka

February 21, 2018 F.G 0

Ayadoo ay Maanta Kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuurta iibka ee ay xilligan Wasaaradda Maaliyadda ku soo rogtay Ganacsatada Soomaaliyeed. Gudiga ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay uga hadlayeen jawaab bixinta cabashadii ka timid Ganacsatada,waxa ayna ugu horeyn sharcidaro ku tilaameen Cansuurta Iibka ee lagu kordhiyay Ganacsatada oo ah 5%. War-Saxaafadeedka oo ka koobnaa 5 Qodob ayaa sidoo kale Gudigu waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ka dalbadeen in 30 bisha April ay horkeento Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana aan sharci noqon doonin Canshuurtaas hadii aan Baarlamanka la marsiin

Taliyaha Cusub ee NISA Oo Xilka La Wareegay Iyo Wasiirka Amniga Oo Ka Qeeybgalay

February 21, 2018 F.G 0

Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo, ayaa waxaa xilkii Taliyaha NISA si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub oo maalin ka hor la soo magacaabay. Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro ayaa goobjoog ahaa  xafladda xil wareejinta ay ka dhaceysay. Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa balan qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan  isbedel la taaban karo. Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub. Nabad Suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa Ku sime Taliye ka ahaa C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) balse maanta si rasmi ah taliyaha cusub ayaa xilka ula wareegay.

Dowladaha Qadar iyo Chad Oo Soo Celiyay Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

February 21, 2018 F.G 0

Dalalka Qadar iyo Chad ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray xiriirkooda diblomaasiyadeed kaddib kulan ay yeesheen labada wasiir arrimo dibadeed. Mohammed bin  Abdulrahman Al Thani, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa heshiis is afgarad ah la gaaray dhiggiisa Chad Shariif Maxamed Zene. Kaddib markii ay kala saxiixdeen is afgaradkan ayaa labada wasiir waxaa ay ku sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan uu heshiiskan dhaqangal ku yahay islamarkaana danjirayaasha labada dal sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celinayo xarumahooda. Labada dal ayuu xiriirkoodu go’ay kaddib markii Bishii August ee sanadkii hore ay Chad raacday Isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo. Wasiirrada labads dhinac ayaa intaas ku daray in labada dal ay yeelan doonaan kulamo kale oo ay ku doonayaan in lagu xoojiyo xiriirka labada dal iyo horumarinta

Wasir Beeyle Iyo Ganacsatada Muqdisho Iyo Mr.Mooge Ha Loo Gar Naqo???

February 21, 2018 F.G 0

Todobaad ka badan waxaa xiran dekedda Muqdsiho oo waxba kama soo degaan sababo la xiriira Canshuuraha oo la kordhiyey taasoo u cuntami weydey Ganacsatada shixnadaha kala soo degta dekedda weyn ee Magaalada Muqdsiho, hadaba su’aashu waxey tahay  xaggee wax iska qaban la’yihiin. Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle oo amarka canshuur kordhinta soo rogey ayaa sheegey iney sidaa u yeeleen si ay ula jaan qaadaan wadamada dunida oo ay u farax geliyaan Hay’adda lacagta aduunka ee IMF oo ay dowlada Soomaaliya ka quuddareyneyso  iney ka cafiso deymaha faraha badan ee lagu leeyahay. Ganacsatada gobolka banaadir oo ka duulaya canshuur kordhinta la soo rogey ayaa saxaafada la hadlay waxayna sheegeen in aaney aqbali Karin hadalada ka soo yeeray Wasiirka Maaliyada oo hore u shaciyey in  la kordhiyey canshuuraha  laga qaado badeecooyinka kasoo dekeda Muqdsiho,. Ganacsatadu waxay sheegeen iney yihiin canshuur bixiyaal, waxayna intaa ku dareen in aaney suurtagal aheyn in dekeda muqdsiho oo kaliya  la takooro oo lagu kordhiyo canshuuraha iyadoo aan canshuuraha lagu kordhin  dekedaha kale ee dalku leeyahay. In badan oo ka mid ganacsatada waxaa ka careysiiyey wareysi uu bixiyey Cabdiraxmaan Beyle [Sii aqri]

R/Wasaare Kheyre Oo Magacaabay Madaxa Isku Xirka Deeqaha

February 21, 2018 F.G 0

R/wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Magacabaay Madaxa iskuxirka Deeqaha Muxumed Xuseen Axmed , kaasoo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha. Mudane Maxumed Xuseen Axmed ayaa ah khabiir  Wax ka Badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arimaha Gar-gaarka, isagoo la  soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada sida ku  cad CV-giisa Unugan  Isku  Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) oo Muddo soo jiray  ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka , waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiya yaasha, kaasoo  ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loo-jistikada. Sidoo kale Unugan  Isku  Xirka Deeqaha  waxuu qaban qaabiyaa  shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum) ,Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars) Uga dambeyn Unugan  Isku  Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiya  isku xirka hay’adda dawladda iyo Gobolada iyo Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha . Hase [Sii aqri]

Murugo Dhalinyaro Somaliyeed Oo lagu Dilay Magalada London

February 21, 2018 F.G 0

Wararka ka imaanaya Dalka ingiriiska ayaa sheegaya in labo wiil oo Soomaali ah la dilay, halka mid kalana la dhaawacay, kadib markii ay weerar kala kulmeen Kooxo Mindiyo ku hubeysnaa. Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Borough of Camden ee Magaalada London, waxaana Soomaalida kunool Dalkaasi ay sheegeen in Kooxihii dilka u geystay ay wateen Gawaari, isla goobtana ay ka baxsadeen. Ciidamada Booliiska oo tagay halka dilalka iyo dhaawaca uu ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano ay ku sameynayaan, waxayna Isbitaal u qaadeen Wiilka Dhaawaca ah oo la sheegay in uu dhiig baxayay. Ehelka Dhalinyarada geeriyootay ayaa sheegay in Wiilashooda ay dhiig bax u Geeriyoodeen, kadib markii Mindiya looga dhuftay Uur ku jirta, iyagoona dhiig baxay. Dhalinyarada kunool wadanka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa la kulmo weeraro ay u geysanayaan Dhalinyaro kale, waxayna isku adeegsadaan Mindiyo. Mid kamid ah Somalida Degan London ayaa Sheegtay in ay  Daris la tahay mid kamid ah dhalinyaradii la dilay, Sidoo kalana ay Eedo u tahay, waxa ay sheegtay in Wiilka Hooyadii ay wacday, una sheegtay in afaafka hore Gurigooda uu ka [Sii aqri]

Baarlamaanka Hir-Shabeelle Oo Ka Shiraya Xildhibaanada Fadhiyada ka Maqan

February 21, 2018 F.G 0

Guddiyada Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar waxa ay go’aamo kaga soo saareen sida laga yeelayo Xildhibaanada Fadhiyada aanan soo Xaadirin Cudur daar la’aan. Waxa ay isla garteen in kulanka Baarlamaanka ee maanta ka dhacaya Magaalada Jowhar ay geeyaan tallaabooyinka iyo qodobada qabanaya Xildhibaanadaasi. Xildhibaan C/qaadir Faarax Shuutaale oo kamid ah Guddi Hoosaadyada Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa u sheegay in Xildhibaanada laga sugayo ka go’aan gaarista Mudanayaasha maqan. Marka laga soo tago Xildhibaano Howlo Caafimaad u maqan, waxa uu xusay in ay jiraan Xildhibaano aanan fasax ama Cudur daar laga heyn oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kana maqan, fadhiyada Baarlamaanka Xeer Hoosaadkooda ayuu sheegay in uu qorayo Xildhibaankii Shan Maalin Soo daaho ay ka dhigan tahay in uu Maalin Maqnaa, halka Muddo dheer uu maqnaadana uu ku weyn karo Xasaanadiisa sida uu hadalka u dhigay. waxa uu sheegay in digniin ay qabaan Xubnaha maqan bilaa fasaxa, maadaama aanan wali dhicin in Xildhibaan Xasaanadda looga qaado maqnaashiyo ama lagu ganaaxin.  Xildhibaan Faarax in Xasaanad ka qaadista ay sababi karto isku dhacyo dhex mara Xildhibaanada, [Sii aqri]

1 2 3 607